31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Guddiga doorashooyinka oo war cusub kasoo saaray doorashada K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa war cusub kasoo saaray howlaha la xiriira tirinta codadka doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashooyinkan oo lagu dooranayay xubnaha goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka qabsoomay 13 degmo oo ka tirsan maamulkaasi, iyadoo guddigu uu sheegay in geeddi-socodka doorashadu u dhacay si nabad ah oo waafaqsan habraacyada sharciga.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in howlaha tirinta codadka, gudbinta natiijooyinka iyo hubinta saxnaantooda ay si habsami leh u socdaan, isla markaana lagu fulinayo hannaan hufan oo waafaqsan sharciga doorashooyinka qaranka.

Cabdikariin ayaa tilmaamay in guddigu uu si rasmi ah u xaqiijinayo in la soo gaba-gabeeyay tirinta codadka dhammaan xarumaha codbixinta ee doorashooyinkaasi, isaga oo xusay in arrintaasi waafaqsan tahay qodobka 61-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in la dhameystiray dhammaan habraacyadii la xiriiray xiritaanka goobaha codbixinta iyo soo afjaridda howlaha tirinta codadka, sida ku cad qodobka 21-aad ee sharciga doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in dhammaan natiijooyinka kasoo baxay xarumaha codbixinta loo gudbiyay xarunta guddiga, halkaasi oo hadda ay ka socdaan howlo lagu xaqiijinayo sharciyadda iyo saxnaanta natiijooyinka la helay.

Waxa uu xusay in guddigu uu si taxaddar leh u hubinayo dhammaan xogaha doorashada ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada kama dambaysta ah ee doorashooyinka ka dhacay deegaanada Koonfur Galbeed.

Doorashooyinkan ayaa kamid ah dadaallada Dowladda Federaalka ay ku dooneyso hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ah, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee si ballaaran u qabta doorashooyin noocaan ah tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Si kastaba, doorashada Koonfur Galbeed looga dareeray Axaddii ayaa imanaysa xilli mucaaradka ay si adag u diidan yihiin qabashada doorasho qof iyo cod iyo dhaqan-gelinta dastuurka cusub.

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa qoray taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeyb-galayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaankooda.

- Advertisement -

Read more

Local News