31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

DF oo wajahaysa dhaleeceyn xooggan oo qaabka ay u xakameysay banaanbaxa mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA ayaa si adag u cambaareysay tallaabooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wajahday bannaanbixii mucaaradka ee Axaddii ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in la jebiyay xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ay daladdu soo saartay ayay ku sheegtay in dadka ka qeyb-galay bannaanbaxa ay la kulmeen caburin iyo tallaabooyin ka dhan ah xorriyadaha aasaasiga ah ee uu dammaanad qaaday dastuurka dalka.

SONSA ayaa tilmaantay in ciidamada ammaanka ay xaddideen xorriyadda hadalka iyo isu-soo-baxa nabadeed, arrintaas oo ay ku sheegtay mid dhaawaceysa hannaanka dimuqraadiyadeed iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.

Daladda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay dadkii ku dhintay rabshadihii la xiriiray bannaanbaxaasi, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah dadkii ku dhaawacmay dhacdooyinka ka dhacay Muqdisho.

Waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka iyo hay’adaha ammaanka inay si degdeg ah u sameeyaan baaritaan hufan oo lagu ogaanayo waxa sababay dhimashada iyo dhaawacyada dhacay, islamarkaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaasi.

SONSA waxay sheegtay in dowladda iyo hoggaanka mucaaradka labadaba ay masuuliyad gaar ah ka saaran tahay ilaalinta xasilloonida dalka iyo ka fogaanshaha tallaabooyin horseedi kara isku-dhacyo siyaasadeed iyo kuwo amni.

Sidoo kale, daladdu waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda, hadalka iyo mudaharaadyada nabadeed, kuwaasi oo ay sheegtay inay yihiin xuquuqo dastuuri ah oo aan la wiiqi karin.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay walaac ku saabsan xarigyo iyo cadaadis la sheegay in lagu hayo wariyeyaal iyo dad cabbiraya aragtiyahooda siyaasadeed, iyadoo SONSA ay ugu baaqday dowladda inay joojiso tallaabo kasta oo caburin ah oo ka dhan ah warbaahinta madaxa-bannaan iyo bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyn, SONSA ayaa dhinacyada siyaasadda ugu baaqday inay khilaafaadka jira ku xalliyaan wadahadal iyo hannaan sharci ah, si looga hortago xiisado hor leh oo saameyn ku yeesha amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News