29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

DF oo shaacisay in shirkadda Favori ay ku fashilantay shaqada garoonka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaabo la xiriirta shaqada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayso shirkadda Favori.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xilidhibaan Maxamed Faarax Nuux oo kormeeray garoonka ayaa shaaca ka qaaday in shirkaddu ay ku guul daraysatay dhamaystirka mas’uuliyaddii maamul ee garoonka, taasna ay tahay arin soo noq-noqtay oo aan waafaqsaneyn heshiiskii caalamiga ahaa ee ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu raalligelin siiyay shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada garoonka Aadan Cadde, maadaama ay soo noq-noqdeen ciladaha joogtada ee ku yimid adeegyada garoonka.

Wasiirka ayaa soo saaray qodobo muhiim ah oo ku aadan horumarinta adeegga garoonka iyo tallaabooyin uu sheegay inay qaadayaan, waxaana kamid ah;-

Xuquuqda Socotada: Wasiirka ayaa uga digay shirkadaha diyaaradaha inay ku tacaddiyaan muwaadiniinta ay u adeegayaan.

Sidoo kale, waxa uu ballan-qaaday in lala xisaabtami doono shirkad kasta oo ku xad-gudubta xuquuqda iyo adeegga ay u baahan yihiin musaafuriinta.

Wasiirka: Waxa uu amar ku bixiyey in dhammaan shirkadaha ka shaqeeya gudaha Airport-ka, gaar ahaan kuwa nadaafadda, inay ilaaliyaan bilicda iyo sharafta Muraayada Dalka, iyadoo aan loo dulqaadan doonin dayacaad kasta oo saameynaysa sumcadda Garoonka .

Muddada: Wasiirka ayaa xusay in kulamo dhacay 5-tii ilaa 6-dii bishan May ay shirkadda Favori ku qiratay fashilka jira, loona qabtay muddo ay wax kaga qabato. Waxaa hadda ka dhiman 7 maalmood oo kaliya.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa caddeeyey haddii aanay waxba isbeddelin muddadaas yar ee u hartay, inay Dawladda Soomaaliya qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo degdeg ah si loo badbaadiyo adeegga Garoonka Aadan Cadde.

Shirkadda Fafoori ee maamusha garoonka diyaaradaha dhowr jeer waxaa cabasho ka keenay shaqaalaha iyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo lagu eedeeyay adeeg xumo iyo in aysan ilaalin xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

- Advertisement -

Read more

Local News