29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Abiy Ahmed oo ku dhowaaqay qabsashada dekedda Casab ee Eritrea

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ay tahay “arrin waqti uun naga xigo” inta aysan Itoobiya dib ula wareegin gacan ku haynta dekedda Casab ee Eritrea, isagoo sii wadaya dadaalka adag ee maamulkiisu ugu jiro sidii uu u heli lahaa marin badeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu toddobaadkan siiyay warbaahinta dawladda ee EBC, ka hor xarig-ka-jarka Biyo-xidheenka Weyn ee Dib-u-Curashada Itoobiya (GERD), isagoo ku nuuxnuuxsaday in “la gaaray xilligii la saxayay khaladaadkii hore.”

Isagoo fadhiya xeebaha harada weyn ee macmalka ah ee uu sameeyay biyo-xidheenka GERD, oo loogu magac daray ‘Nigat’, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay luminta marinkii dekedda Casab inay ahayd khalad dhacay soddon sano ka hor.

Wuxuu mashaariicda sida GERD ku sifeeyay kuwo “xaaladda weji kale u yeelaya” oo meesha ka saari kara culeysyo qarniyo soo jiitamayay oo dalka saarnaa, isagoo isku xirayay ka maqnaanshaha Itoobiya ee xeebta Badda Cas iyo silsilado “caqabado yaryar” ah oo muddo dheer dhib ku hayay qaranka.

“Badda Cas waxay qayb ka ahayd Itoobiya soddon sano ka hor,” ayuu yidhi. “Khaladku shalay ayuu dhacay, berrina waa la sixi doonaa.”

Abiy ayaa sidoo kale xusay in maamulkiisu uusan marnaba ka tanaasuli doonin danihiisa, isla markaana uusan si taban u saamayn doonin danaha dhinacyada kale.

Si kastaba ha ahaatee, raadinta marinka badeed ayaa durba xiisad ka dhalisay dalka deriska la ah ee Soomaaliya, halkaas oo heshiis is-afgarad hordhac ah oo lala galay Somaliland sanadkii 2024 uu sababay buuq iyo sawaxan weyn.

Dhawaanahan, Eritrea waxay cambaaraysay xiisaha Itoobiya ee Casab, iyadoo u aragta hanjabaad ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Iyadoo ay taasi jirto, hamiga soo jireenka ah ee Addis Ababa ee ah in ay hesho marin badeed ayaa ka muuqda hadallada mas’uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan xukuumadda.

Toddobaadkii hore, waraysi uu siiyay idaacad maxalli ah, Wasiiru Dawlaha Maaliyadda, Eyob Tekalign, ayaa sheegay in “danta qaran ee Itoobiya ay hadda ka qeexan tahay sidii ay ahayd soddon sano ka hor.”

Isagoo qiray in dhammaystirka biyo-xidheenka GERD uu yahay “marxalad isbeddel,” ayuu Eyob intaa ku daray in “ceebtii” ka dhalan jirtay doodda ku saabsan sheekada labada biyo ay soo afjarantay, isagoo carrabka ku adkeeyay in dareennadaas la xiriira ay kaliya jireen soddonkii sano ee la soo dhaafay.

“Maanta, dareennadaas oo kale way is beddeleen,” ayuu yiri Eyob, isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay helitaanka Badda Cas ku dartay ajandaheeda istaraatiijiyadeed ee juquraafi-siyaasadeed. “Waxaan u shaqaynaynaa si xooggan, waxaana diyaar u nahay inaan si adag uga hortagno cid kasta oo ka soo horjeesata danta qaran ee dalka, ha noqoto dhinaca dhaqaalaha, diblomaasiyadda, iyo siyaasaddaba.”

Hadal kaas la mid ah, Sareeye Guuto Teshome Gemechu, oo ah agaasimaha guud ee xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga militari ee Wasaaradda Difaaca, ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq “taariikhi ah” u leedahay marinka Badda Cas iyo lahaanshaha Dekedda Casab.

Wuxuu helitaanka badda ku tilmaamay arrin ku xidhan “badbaadada qaranka.”

“Anagoo ah ciidan qaran oo ku yaal Geeska Afrika, waxaa na saaran mas’uuliyadda ah inaan difaacno danta qarankeena madaxa-bannaan,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Badda Cas iyo Casab ay mar ahaan jireen qayb ka mid ah Itoobiya. “Casab waxay ahayd dhulkeenna. Waxaan ku weynay sharci-darrada xukuumaddii ku-meelgaarka ahayd ee xilligaas.”

Agaasimaha guud ayaa sheegay in xal diblomaasiyadeed uu weli yahay mudnaanta koowaad ee Itoobiya.

Hase yeeshee, qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay September 3, 2025, Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa hadalladii u dambeeyay ee ka soo yeeray mas’uuliyiinta Itoobiya ku qeexay “soo noqoshada gooddiga dagaal ee aan miyirka ku dhisnayn” iyo “bahdil iyo qalloocin lagu hayo taariikhda Eritrea.”

Wuxuu ku tilmaamay hadallada noocan oo kale ah, oo ay ku jiraan kuwa ku saabsan aftidii Eritrea ee 1993, inay yihiin marin-habaabin siyaasadeed oo “aad u caajis badan oo aan sal lahayn oo aan u qalmin dood dhab ah.”

Wasiirku wuxuu ku celiyay waxa uu ugu yeerhay xaqiiqooyin taariikhi iyo sharci oo aasaasi ah, isagoo ku adkaystay in xaqa Eritrea u leedahay in ay gumaysiga iska xorayso ay ahayd “awood qaran oo siyaasadeed oo aan laga xayuubin karin cid kalena aan la wadaagin,” taasoo aanay diidmada qayaxan kala kulmi karin dal kale.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aftidii 1993-kii lagu qabtay go’aan u gaar ah oo Eritrea keligeed iskeed u qaadatay, uuna sinaba “ugu xirnayn ogolaansho, taageero ama iftiin cagaaran oo hore uga yimid quwaddii gumaysanaysay.”

“Doodahan macno darrada ah—ama haddii si kale loo dhigo qashinka siyaasadeed—waa kuwo aad u caajis badan oo aan sal lahayn oo aan u qalmin dood dhab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Yemane.

- Advertisement -

Read more

Local News