ABIY AHMED oo sabab yaab leh u yeelay qabsashada ciidanka Tigrayga ee Mekelle

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay ka baxeen magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigray, isaga oo sheegay in sababta ay tahay in magaaladaas aysan hadda kadib aheyn “muhiimadda dagaalka”.

“Markii aan galnay Mekelle toddoba ama sideed bil kahor, waxaan u sameynay sababtoo ah waxay aheyd muhiimadda iyo xudunta dagaalka,” ayuu Abiy u sheegay warbaahinta dowladda, oo muuqaalkiisa baahisay Arbacadii.

“Waxay aheyd xarunta dowladda. Xarunta kheyraadka la ogyahay iyo kuwa aan la ogeyn. Hase yeeshee waqtigii aan ka baxnay ma jiraan wax muhiim ah oo ay leedahay marka laga reeebo 80,000 oo qof oo shacab ah iyo kuwa shacabka bililiqeysta…waxay lumisay mhiimaddeeda,” ayuu yiri.

Hase yeeshee afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa hadallada Abiy ku tilmaamay been, wuxuuna sheegay in ciidamada Ethiopia lagu qasbay inay magaalada ka baxaan. 

“Xaqiiqda ah inuu sheegay inay ka baxeen Mekelle, waa been cad. Waxaan uga adkaanay cayaartoyda. Waa ay guul-darreysteen,” ayuu Getachew u sheegay Reuters. 

Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa Talaadadii sheegay in ciidanka federaalka ay dib u geli karaan magaalada Mekelle. “Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Eritrea oo horey loogu eedeeyey inay xadgudubyo ka gaysteen gobolka ay hadda ka baxeen. 

Hase yeeshee Getachew ayaa sheegay in taasi aysan sax aheyn, isaga oo intaas ku daray in ciidamada Eritrea ay isku urursanayaan qeybaha waqooyi ee Tigray, si ay “naftooda u difaacaan.”

Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed.

Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. 

Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka.