Al-Shabaab oo beegsaday shacab caano iyo biyo ku soo dhoweeyey ciidanka DF

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay beegsaday dadka degan tuulooyin ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle, kuwaasi oo maalmo kahor degaanadooda la sheegay in ay ku soo dhaweeyeen ciidamadii dowladda ee Al-Shabaab ka saaray qeybo kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in ku dhowaad 5 qof ay Al-Shabaab ka afduubteen degaanada kala ah Warciise, Qoordheere, Wardhagax iyo Dabagaab oo ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa gubay ugu yaraan saddex guri, kuwaasi oo dab la qabadsiiyay kadib markii ay dadkii daganaa ay ka carareen Al-Shabaab.

Dadka la beegsaday ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inay wax ka iibsadeen ciidankii dowladda ee degaanadaas soo galay todobaadyo ka hor balse dib uga laabtay, halka qaarkoodna ay degaanka ku soo dhaweeyeen.

Dadka degan degaanada ay Al-Shabaab cadaadiska saareen ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qaarkood guryahoodii ka soo carareen, markii ay naftooda la baxsadeen kadibna guryahooda la gubay.

Milateriga Soomaaliya ayaa qabsaday degaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe maalmo kahor waxaana caano iyo biyo ku soo dhaweeyay dadka degaanka, inkastoo ay ciidankii dowladda dib uga baxeen deegaanadii ay qabsadeen.

Al-Shabaab oo dib ugu laabtay degaanadaas ayaa billaabay inay dadka degaanka saaraan cadaadis badan islamarkaana ay qaarkood afduubtaan. 

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabeelle iyo Milateriga Soomaaliya, kaasoo ku aadan xaaladda ay wajahayaan dadkii ku dhaweeyay degaanadii ay maalmo ka hor ka soo laabteen.