James Swan oo soo saaray farriin ku socota Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada madaxbanaanida dalkooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Maanta oo kale, kow iyo lixdan sano kahor, dadka Soomaaliyeed waxa ay hanteen dalkooda oo xor ah oo madax bannaan iyaga oo isu xilsaaray dhisidda qaran nabad iyo barwaaqo ah oo ku dhisan midnimo, sinnaan iyo cadaallad.  

“Ka-go’naanshahaas ilaa iyo hadda wuu sii jiraa waxaana dhowaan tusaale u noqday shir-madexeedkii 27kii Maajo ee sida guusha leh ku soo dhammaaday iyo wada shaqeynta joogtada ah ee loogu gogol xaarayo doorashooyinka qaranka,” ayuu yiri James Swan.

“Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u dabaal-degayaan Maalinta Madaxbanaanida, ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay mar kale ballan-qaadayaan la shaqeynta dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda mustaqbal nabad ah oo lagusoo dabaalo dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Swan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey