25.9 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Abiy iyo guddoomiyaha M/Afrika oo yeeshay kulankii u horeeyay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed ayaa maanta kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Mudane Mahmoud Ali Youssouf, isaga oo ku qaabilay xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wa-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin wadashaqeyntooda iyo sidoo kale xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika.

Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo wata sawirrada  labada mas’uul ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay shirka dhex-maray labada dhinac.

“Subaxnimadii saaka waxaan la kulannay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, si aan uga wadahadalno arrimaha muhiimka ah ee nabadda iyo amniga gobolka,” ayuu Abiy Axmed ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallo uu haatan wado guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo dhowaan uun xilkaas loo doortay, kaas oo kasoo jeeda dalka Jabuuti, waxaana la filayaa inuu sii wado kulamadiisa oo uu booqdo waddamada kale ee ururka.

Horay wuxuu booqasho hal maalin ah ugu yimid magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isaga oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada-hadleen wadashaqeynta labada dhinac iyo xaaladaha guud ee ka jira waddanka.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa maalintaas ballan-qaaday inuu xoojinayo garab istaagga uu Midowga Afrika ee Soomaaliya, si ay dowladda federaalka u gaarto isku filnaan buuxda, ugana gudubto marxaladihii adkaa ee ay soo martay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale taageeray qorshaha Xasan ee ku aadan la dagaallanka argagixisada iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyay labadaasi qodob oo uu tilmaamay inay gacan ku siinayaan madaxweynaha.

“Inta aan Guddoomiyaha Midowga Afrika ahay garab istaagga wax joogsanaya ma ahan, Soomaaliya waxa ay ku socotaa dhabbaha doorasho qof iyo cod ah.”  ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa si weyn ugu taageertay Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo guddoomiyahah cusub ee Ururka Midowga Afrika, isaga oo ka adkaaday musharrixii ka socday Kenya ee Raila Odinga, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

- Advertisement -

Read more

Local News