Abiy oo Somalia ku raacay habka loo xalinayo xiisada kala dhaxeysa KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray warbixin muujineysa in ra’iisul wasaaraha, Itoobiya Abiy Ahmed uu u muuqday inuu ku mowqif ahaa Soomaaliya, marka ay noqoto habka loo xalinayo xiisadda Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in intii ay socdeen wada-hadallada madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, uu Abiy, oo goobjoog ka ahaa soo jeediyey in labada dal ay si madax banaan uga hadlaan arirnta badda, balse ay ka heshiiyaan arrimaha kale ee diblomaasiyeed.

Sida warbixinta ay tiri, Abiy Ahmed ayaa rumeysnaa in haddii muranka badda dartiis ay u istaagto wada-shaqeyntii labada dhinac, taasi ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan karto amniga Soomaaliya, oo aanay dan ugu jirin saddex dalba.

Wuxuu qabay in labada dal soo celiyaan xiriirkooda, kadibna si madax banaan uga wada-hadalaan muranka badda.

Mowqifka ayaan sidoo kale waafaqsanaa kan Farmaajo, oo ahaa in arrinta badda loo daayo maxkamadda caalamiga ah, labada dalna ay ka wada-hadlaan arrimaha kale.

Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in dhul-badeedka lagu muransan yahay ay go’aan ka gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, halka Kenya ay dalbatay in meel ka baxsan maxkamadda xal lagu gaaro, labada dalna ay isku raacaan xuduud cusub oo ay ka wada-hadleen.

Arrintan ayaa hoggaamisay inaan wax heshiis ah lagu gaarin kulankii Nairobi, xiriirka labada dalna weli uu sidiisa u xun yahay, inkasta oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in safiiradii la kala qaatay dib loo soo celinayo, taasi oo Kenya weli aysan xaqiijin.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com