Madaxweyne Farmaajo wuxuu siyaasadda Soomaaliya kusoobiiray dhamaadkii Sanadkii 2010, Isagoo xilligaas noqday Raiisul Wasaarihii 14aad ee Dalkeena. Intuu Farmaajo ahaa RW wuxuu dalka kusoo siyaadiyey Firfircooni, karti iyo dal jacayl aanan horay looga baran siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Laakiin Madaxweyne Farmaajo asbuucaan wuxuu sameeyey siyaasad qar iska tuurid ah, taasoo dad badan kutilmaameen in ay tahay mid dhaawacidoonta maqaamkii uu ku dhex lahaa bulshadda Soomaaliyeed, sidoo kalena dhib u keenidoonta hankiinsa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeeda.
Habdhaqanka Kenya
Kenya waxay Soomaaliya ula dhaqantay si qadarin la’aan iyo yasid ay kujirto, waxay soocayrisay danjirihii Soomaaliya, waxayna sidoo kale Soomaaliya ugu hanjabtay cunaqabatayn.
Ujeedada ay kenya ka lahayd Arimahaas waxay ahaayeen in ay Soomaaliya ku cadaadiso in ay soofariisato Miiska wada hadalka si muranka badda loogu xaliyo wada hadal dibloomaasiyeed, sababta kenya u doonayso wada hadalka waxa weeye in kenya ay aad uga baqsan tahay in ay ku guuldaraysato dacwadda horteeda Maxkamadda Aduunka. Maxkamaddaan horay waxay u qabatay dacwado lamid ah tan Soomaaliya iyo Kenya, markastana waxaa dacwadda kuguulaystay kooxda la imaaday dooda Soomaaliya oo kale.
Habdhaqanka Kenya maahan mid cusub, waa mid ay horay u tijaabisay taasoo ay wax kaga dheeftay: Madaxweynaha Kenya ee Uhurru kenyatta ee hadda xilka haya waxaa sanadkii 2008 lagu eedeeyey in uu kaqaybqaatay Xasuuq ka dhacay dalka Kenya. Balse, sidda la xasuusto Kenya waxay lasoobaxday kaarkaan ah in dalkeeda cadow lagu yahay, waxay eedayn iyo handadaad isagu dartay cidkasta oo kiiska Uhurru dabada ka riixaysey, waxayna Maxkamadda Aduunka ku eedaysey in ay beegsanayso oo keliya Madaxweynayaasha qaaradda Afrika, sidoo kalena waxay ka codsatay dalalka qaaradda Afrika in ay caawiyaan, kuwaasoo ajiibay codsigaas. Taasi waxay keentay in Kiiskii Uhurru ee horyaalay Maxkamadda Aduunka uu burburo.
Kenya waxay dib ula soobaxday kaarkaas si ay Soomaaliya ugu cadaadiso in kiiska Maxkamadda lagala laabto, si arinka wada hadal loogu dhameeyo.
Liidashadii Dawladda Soomaaliya
Waa run in siyaasadda u baahan tahay taxadar iyo hab masuuliyad kudhisan, Balse Xukuumadda Farmaajo waxay u dhaqantay si ka hoosaysa maqaamka dawladeed. Xitaa jawaabaheeda ee ku aadana eedaymaha iyo cajuglaynta Dawladda Kenya ma ahayn kuwo lagu qanco, waxaa ka muuqatay isliidid badan.
Madaxweynayaashii ka horeeyey Farmaajo ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed waxay ahaayeen kuwo si adag ula dhaqma dawladda Kenya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed, oo dawladiisa ahayd mid ka tabardaran tan Farmaajo uu hadda hogaamiyo, wuxuu si adag ula hadli jirey Kenya markay Soomaaliya ku xadgudubto, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlin markay Kenya ciidameeda soogelisay dalka Soomaaliya ayaa wuxuu dhahay: “Ciidamada Kenya in ay Soomaaliya iska soogalaan raali kama nihin”.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kenya u dhigay cashar wanaagsan. Isagoo kadiiday wadahadalkasta ee kusaabsan Muranka Badda ee ay doonaysey, wuxuuna la tiigsaday Maxkamadda Aduunka. waxaana xusid mudan in xitaa Madaxweyne Xasan Sheekh kuqasbay Kenya in ay raaligelin kabixiso khalad ay Soomaaliya ka gashay:
Xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay ee uu sugayey caleema saarida waxaa dhacday in Qarax ka dhacday meel u dhow guri uu deganaa Madaxweyne Xasan sheekh oo xiligaas la kulmayey wafdi ay kamid ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda ee Kenya. Waxaa dhacday in Masuuliyiinta Kenya qaarkood ay eeda qaraxa dusha ka saaraan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, balse Dawladda Soomaaliya arinkaas waa ay ka carootay, taasna waxay keentay in Kenya raaligelin arinkaas ka bixiso.
Markiii Madaxeyne Farmaajo kusoobiiray Siyaasadda wuxuu ahaa mid dadku ay jeclaayeen dal jacaylkiisa iyo hadaladdiisa aanan ka leexleexashadda lahayn, balse Dad badan baa la yaaban sababta ay Xukuumadda Farmaajo u aamusan tahay oo aysan xitaa u oranin dhowr erey oo caradeeda muujin lahaa.
Si qaldan oo Khilaafka loo xaliyey
Inkastoo ay wanaagsan tahay in khilaaf la dhameeyo, balse qaabka Madaxewyne Farmaajo u maray si khilaafka looxaliyo ma uusan ahayn mid wanaagsan. Waxaana ka buuxay dhowr qaladaad:
- Libin inadhaaftay: Madaxweyne Farmaajo ma ahayn in uu Raiisul Wasaaraha Itoobiya u raaco kenya: Mida aanan la qarinkarin waxa weeye in libinta Xalinta khilaafkaan uu qaatay Rasiil Wasaaraha Itoobiya, kaasoo hadda u sharaxan Abaalmarin Nabada (Nopel peace Prize) ee Aduunka. Madaxweyne Farmaajo waxay ahayd in uu libintaas qaato, taasna wuxuu kugaari karay iyadoo wadahadalka laga bilaabo Muqdisho. Sida aan kor kusoo sheegay Wasiiradda Arimaha dibada ee Kenya waxay rabtay, diyaarna u ahayd in ay Muqdisho booqato si Soomaaliya wadahadal loola furo. waxayna ahayd in Xukuumadda Farmaajo, Wasiiradaas si wanaagsan ula dhaqanto kana dhigato barobogaando dibloomaasiyeed si Caalamka u tusiso in inkastoo Kenya ay u dhaqantay si caruurnimo oo Safiirkeena soocayrisay, hadana Soomaaliya aysan xumaan xumaan kugudayn oo oo ay tahay mid Nabad u taagan.
- Khalad bay ahayd in Madaxweynaha Farmaajo booqdo Kenya: maadama ay kenya soo cayrisay Safiirka Soomaaliya ma aysan ahayn in Madaxweyne Soomaaliya uu booqdo kenya. Waxay ahayd in Markii uu la kulmay Raiisul Wasaaraha itoobiya u sheego in Wasiiradda Arimaha dibadda ee labadda dal ee Kenya iyo Soomaaliya ay kulmaan si ay uga hadlaan arimaha khilaafka dhaliyey, hadhowna Madaxweynayaashu u kulmaan kadib markii ay wasiiraddu wax isla gartaan.
- Khalad bay ahayd in Khilaafka si degdeg loo xalliyo: Maadama ay kenya ahayd midda wadahalka doonaysey, siddoo kalena qaabka xun u dhaqantay, Dawladda Soomaaliya waxay ahayd in ay caradeeda muujiso oo Kenya wadahadalka ku adkayso si Kenya khaladkeeda u dareento. Taasna Dawladda Soomaaliya si fudud bay kusamayn kartay: waxa keliya oo looga baahnaa waxay ahayd in ay Kenya u aamusto ilaa waqti oo aysan ku degdegin wada hadal. Mana aysan ahayn in Soomaaliya muujiso in ay baahi u qabto in xiriirka si fudud lagu sooceliyo.
Mugdiga kuxeeran wada-hadaladda Soomaaliya iyo Kenya
Inkastoo ay Dawladda Soomaaliya sheegtay in aanan laga wadahadlin wax kusaabsan Arimaha badda, balse warar ka soobaxay Xafiiska Raiisul Wasaaraha Itoobiya baa ina tusinaya in ay macquul tahay in arimaha badda laga wadahadlay. Dad badan oo Soomaaliyeed bay tani walwal iyo walbahaar kuriday.
Sida lawada ogsoonyahay Muranka badda waxaa keenay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwaasoo saxiisay Heshiis aysan aqoon u lahayn: kenya haddii aanan Sanadkii 2009 loo saxiixeen heshiiskii is-afgaradka ahaa, marna aysan haysateen dood ay muran kubilowdo. Sidaas awgeed, shacabka Soomaaliyeed waxay ka walwelayaan in Siyaasiyiinta ay mar labaad kudhacaan khalad labaad oo ay sidaas khatar kugeliyaan qayb kamid ah Soomaaliya. Hadaba, Xukuumadda Farmaajo waxaa habboon in ay ka fiirsato Talaabooyinka ay qaadidoonto, waxaana habboon in ay shacabka ka saarto mugdiga kaga jira wadda hadalkii Soomaaliya iyo Kenya.
Shuayb Xaaji Ciise
hornpost.net
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid