Fara-gelinta ajnabige ee doorashadii Farmaajo iyo sidii Xasan loogu goobtay

Dhowr bilood waqti hadda laga joogo ayaan qoray qormo ‘kooban’ oo aan ku muujinayey sida Dowladda Soomaaliya (tii Xasan Sheekh Maxamuud iyo tan hadda ee Farmaajo) ay lacago laaluush ah u siiyaan diblomaasiyiin iyo saraakiil ajnabi ah.

Hase yeeshee qaar badan oo ah Soomaalida kuwa aan wax badan la socon iyo kuwo taageero qabyaaladeysan ku duula, ayaa dood ka keenay, iyagoo wax raadraac iyo baaris sameyn.

HADDA waxaa war fiican ah inay soo baxday cilmi-baaris lagu daabacay Jaamacadda Macalester ee dalka Mareykanka, taasoo uu qoray Brendon J. Cannon, laguna daabacay Joornaalka arrimaa caalamiga ee Bildhaan, cinwaankeeduna yahay “Saameynta Dowladaha Shisheete iyo Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya: Falanqeyn”
“Foreign State Influence and Somalia’s 2017 Presidential Election: An Analysis” LINK: https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/

DOWLADAHA LA SHEEGAY:

Ethiopia, Qadar, Turkey, UK, Italy, UAE, USA.

XASAN SHEEKH IYO FURSADDII UU HEYSTAY:

Daraasaddan waxay xustay 6 sababood oo Xasan Sheekh Maxamuud u sahli kartay inuu markale kursiga ku soo laabto, balse aan laga faa’ideysan:
1- Mucaarad muuqda oo la hubo oo aan jirin berigaas.
2- Ololaha iyo diyaargarowga doorashada ee Xasan Sheekh oo aad u xoogganaa.
3- Adeegsiga awood xad dhaaf ah oo loo adeegsaday awoodda Dowladda oo ay ku jirtay cabsigelin iyo qasab (jujuub).
4- Taageerada dhaqaale ee Turkey siisay Xasan Sheekh; Taageero siyaasad iyo lacagba oo UK siisay Xasan Sheekh; Ethiopia oo rabtay in Xasan Sheekh soo laabto.
5- Isku dhex qasnaanta siyaasadaha dowlado badan (oo kaalin ku leh Soomaaliya) iyo awoodis la’aantooda inay keensadaan hal musharrax oo ay ku raacsan yihiin.
6- Mareykanka oo ama dhex-dhexaad ka ahaa ama aan daneyn badan u heyn arrinta Soomaaliya.

SABABIHII GUUSHA FARMAAJO EE 8-DII FEBRAAYO

Daraasaddan oo ka kooban 30-bog ayaa xustay qaabkii laaluushka loo siiyay xildhibaannada. Musharrax kasta oo madaxtinimmada u tartamayey wuxuu u baahnaa in ugu horrey uu helo saxiixa 20 xildhibaan, kahor intaan la aqbalin musharraxnimadiisa. Halkii xildhibaan waxaa la siiyey lacag u dhexeysa $500 illaa $1000.

Markii ay soo dhowaatay doorashada waxaa codka halkii xildhibaan uu gaaray lacag u dhexeysa $50,000 – $100,000 (hadba sida ay xildhibaannada u kala saameyn badan yihiin).

Xildhibaannada, inkastoo lacag fiican ay ka heleen Xasan Sheekh, haddana waxay ku dhaqmayeen siyaasad “furan” iyagoo sii raajicinayey musharixiinta kale ee lacagta badan ka heli kareen. Waana taas midda fursadda siisay Farmaajo, ayey tiri daraasadda.

XASAN, FARMAAJO, FAHAD IYO QADAR

Markii ugu horreysay, waxay qormadu daboolka ka qaaday isku dhicii Xasan Sheekh iyo Dowladda Qadar ee soo bilawday doorashadii 2012 ka bacdi.

Xasan Sheekh wuxuu diiday soo jeedin ay wadatay Qadar, taasoo loo soo dhiibay Fahad Yaasiin, oo ahayd in Farmaajo (oo Qadar looga dhigay saaxiibkood) loo magacaabo Ra’isul wasaare Dowladdii Xasan Sheekh.

Laakiin markuu Xasan Sheekh diiday inuu Farmaajo ka dhigo Ra’isul wasaarihiisa (uuna magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon) waxay Qadar goosatay inay taageerada ka jarto Xasan Sheekh.

Tani waxay keentay in Fahad la siiyo maal badan, uuna ka shaqeeyo sidii Dowladdii Xasan Sheekh loogu kicin lahaa mucaarad. Fahad ayaa qortay rag kasoo carooday Xasan Sheekh, oo ay qaarkoodna isku soo dheceen sida: Xasan
Cali Kheyre, Thabit Maxamed, Jamal Maxamed Xasan iyo Mustaf Dhuxulow.

Fadad wuxuu ka duulayey saldhiggiisa oo ahaa Hotelka Jasiira, halkaasoo xubnaha mucaaradka uu ku quudin jiray xogta xasaasiga ah. Waxaa kaloo Jasiira ahayd goobtii laga waday ol’olaha cod iibinta ee ol’olaha Farmaajo…..Way socotaa….

Qore: Brendon J. Cannon
Tarjume: Abdalle Ahmed Mumin
Daabacadda oo dhan halkan u doono: https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/vol18/iss1/6