Arag Sawirro: Puntland oo qabatay doonyo iyo hub badan oo sharci daro ah

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonyo iyo hub sharci daro ahaa, kadib markii baaritaan ay ka sameeyeen xeebaha ku teedsan magaalada Boosaaso.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sheegay inay qabteen ku dhawaad 10 doonyood oo qaarkood loo adeegsan jiray tahriibinta dadka doonaya inay gaaraan Yemen si ay Sacuudiga kaga sii gudbaan.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen Muxidiin Axmed Muuse ayaa isaga oo saxaafadda la hadlayay wuxuu sheegay in sidoo kale la qabtay hub sharci daro ahaa oo dadka wax tahriibaya ay adeegsan jireen.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Puntland ay howlgalkaasi ku jireen muddo saacado ah, iyadoo ciidamada ay ka hor tageen dadka wax tahriibiya iyo hubka sida sharci darada loo adeegsado.

Magaalada Boosaaso ayaa ah halka ay inta badan ka baxaan doonyaha ay raacaan dadka u tahriibaya dalka Yaman oo u badan dad Itoobiyaan ah, doonyahan ayaana mararka qaar dadka ay wadaan ku daadiya badda halka mararka qaarna ay qalibmaan.