AC Milan oo bilowday inay raadiso liiska tababarayaashii bedeli lahaa Massimiliano Allegri.

Bilowgii xumaa ee AC Milan ay xilli ciyaareedkaan ku bilaabatay Serie A, ayaa noqon kara mid lumiya shaqada uu kooxda ka haayo Massimiliano Allegri, wuxuu milkiilahooda Silvio Berlusconi uu diyaar u yahay inuu helo liiska macalimiinta bedeli laheyd 45 jirkaan, sida ay ogaatay shabakda Goal.com.

Ka dib markii ciyaaryahano magac leh sida Zlatan Ibrahimovic ay xagaaga ka dhaqaaqeen San Siro, Rossoneri ayaa Horyaalka ku bilaabatay si aan looga baran waxayna guul gaartay shan ciyaar 11 kulan oo Serie A ah, waxaana lasoo jeedinayaa in tababarihii hore ee Cagliari dhowaan shaqada laga ceyrin doono.

Waxaa liiskaan booska hore uga jira tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola laakiin nasiib darro waxaa laga yaabaa inuusan kooxda u soo  dhaqaaqin iyadoo lugta kula jirta xaalad dhaqaale xumo.

Tababaraha xiga ee uu Berlusconi liiskaan ku darsaday waa hugaamiyaha Zenit St Petersburg Luciano Spalletti, waana qabiir sanado badan soo leyliyey kooxaha Serie A, Udinese iyo Roma

Waxaa kaloo liiskaan ka mid ah Rafa Benitez, kaasoo laga raacdeeyey Inter bishii December 2010kii ka dib markii uu lix bilood hugaaminaayey iyo Roberto Mancini, kaasoo cadaadis xoogan uu ku saaran yahay kooxda heysata horyaalka Barclays Premier League ee Manchester City, laakiin ku guuleystay sedax Horyaal oo Scudetti ah.

Filippo Inzaghi ayaa noqon kara mid kale oo bedela Allegri. Waxaana ciyaaryahankii hore ee reer Talyaani uu xirfadiisa ciyaareed soo afjaray sanadkii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu ka shaqeeyaa akadeemiyada kooxda wuxuuna noqon karaa bedel ku haboon maadaama uu kooxda taageerayaal badan ku leeyahay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.