Sarajevo (Caasimada Online) – Kumanaan qof oo ka kala yimid Bosnia iyo daafaha caalamka ayaa Jimcihii shalay isugu tagay magaalada Srebrenica si ay u xusaan sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii halkaas loogu geystay in ka badan 8,000 oo wiilal iyo rag Muslimiin ah oo reer Bosnia ahaa (Bosniak) — fal arxan-darro ah oo loo aqoonsaday inuu yahay xasuuq-qowmiyadeedkii keliya ee ka dhacay Yurub wixii ka dambeeyay Xasuuqii Holocaust.
Toddoba dhibbane oo dhawaan la aqoonsaday oo ka mid ahaa dadkii lagu laayay xasuuqii 1995, oo ay ku jiraan labo wiil oo 19-jirro ahaa, ayaa Jimcihii aas-wadareed loogu sameeyay qabuuraha waaweyn ee u dhow Srebrenica, halkaas oo ay ku aasan yihiin in ka badan 6,000 oo dhibbaneyaal hore ah. Aaska noocan ah ayaa sannad walba loo sameeyaa dhibbanayaasha weli laga soo saarayo tobannaan xabaalo-wadareedyo ah oo ku yaalla hareeraha magaalada.
Si kastaba ha ahaatee, qaraabada dhibbanayaasha ayaa inta badan aasi kara oo keliya qaybo ka mid ah haraadiga dadkoodii ay jeclaayeen, maadaama caadiyan laga helo xabaalo-wadareedyo kala duwan oo mararka qaarkood isku jira kiiloomitirro. Sidaas oo kale ayay ahayd xaaladda Mirzeta Karic, oo sugaysay inay aasto aabbaheed.
“Soddon sano oo baadi-goob ah ka dib, hal laf ayaan aasaynaa,” ayay tiri, iyadoo ooyaysa oo ag taagan naxashka aabbaheed oo lagu duudduubay maro cagaaran si waafaqsan dhaqanka Islaamka.
“Waxaan u malaynayaa inay ii fududaan lahayd haddii aan aasi lahaa isagoo dhan. Maxaan kuu sheegaa, aabbahay waa mid ka mid ah 50 qof oo qoyskayga oo dhan laga laayay,” ayay raacisay.
11-kii Luulyo, 1995, waa maalintii ay bilowdeen dilalku ka dib markii dagaalyahannadii Seerbiyaanka Bosnia ay qabsadeen deegaankaas ku yaalla bariga Bosnia bilihii ugu dambeeyay ee dagaalkii sokeeye ee isirka ku dhisnaa ee ka dhacay dalkaas Balkan-ka ku yaal.
Ka dib markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada oo ahayd aag nabdoon oo Qaramada Midoobay ilaalinaysay xilligii dagaalka, dagaalyahannadii Seerbiyaanka Bosnia waxay ragga iyo wiilasha Muslimiinta ah ee Bosniak ka sooceen qoysaskooda, waxayna si naxariis-darro ah ku toogteen dhowr maalmood gudahood. Meydadka ayaa markaas lagu riday xabaalo-wadareedyo ku yaalla agagaarka Srebrenica, kuwaas oo ay markii dambe cagaf-cagaf ku qaseen, iyagoo haraaga ku kala firdhiyey goobo kale oo lagu aaso si ay u qariyaan caddeymaha dembiyadoodii dagaal.
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (U.N. General Assembly) ayaa sannadkii hore ansixiyay qaraar lagu xusayo xasuuqii Srebrenica sannad walba 11-ka Luulyo.
Tobannaan mas’uuliyiin caalami ah iyo marti sharaf sare ayaa ka qaybgalay munaasabadaha xuska iyo aaska. Waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Golaha Yurub (European Council President) Antonio Costa iyo Marwada Boqortooyada Britain ee Edinburgh, Sophie, oo sheegtay in “waajibkeennu uu yahay inaan xusuusanno dhammaan kuwii si naxdin leh loo waayay, oo aynaan marnaba oggolaan in waxyaabahan oo kale ay mar kale dhacaan.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Netherlands, Caspar Veldkamp, ayaa sheegay inuu dareemayo “xishood iyo is-hoosaysiin” sababtoo ah ciidammo Nabad-ilaalin ah oo Qaramada Midoobay uga socday Netherlands ayaa ku sugnaa Srebrenica markii ay Seerbiyaanka Bosnia qabsadeen magaalada.
“Waan arkaa heerka ay leedahay muhiimadda xuska xasuuqii Srebrenica,” ayuu yiri.
Khudbad qiiiro leh oo ay jeedisay, Munira Subasic, oo madax ka ah ururka Hooyooyinka Srebrenica (Mothers of Srebrenica), ayaa ugu baaqday Yurub iyo adduunka inay “naga caawiyaan la dagaallanka nacaybka, caddaalad-darrada iyo dilka.”
Subasic, oo ku weyday seygeeda iyo wiilkeedii ugu yaraa xasuuqii Srebrenica, iyo sidoo kale in ka badan 20 qof oo qaraabadeeda ah, ayaa ku tiri Yurub “ha toosto.”
“Anigoo halkaan taagan, hooyooyin badan oo ku nool Ukraine iyo Falastiin ayaa maraya wixii aan soo marnay 1995-kii,” ayay tiri Subasic, iyadoo tixraacaysa colaadaha hadda socda. “Waa qarnigii 21-aad, laakiin caddaalad meesheedii, waxaa soo toosay faashiistinimadii.”
Habeenkii ka horreeyay sannad-guurada, waxaa la daah-furay bandhig lagu soo bandhigayay agab shakhsi ah oo ay lahaayeen dhibbanayaasha, kuwaas oo laga helay xabaalo-wadareedyada sannadihii la soo dhaafay.
Colaaddii Bosnia waxay qaraxday 1992-kii, markaasoo Seerbiyaanka Bosnia ay hubka qaateen iyagoo ka soo horjeeday madax-bannaanida dalkaas ee Yugoslavia-dii hore, ujeeddadooduna ahayd inay abuuraan dawlad u gaar ah oo aakhirka la midoowda dalka deriska la ah ee Serbia. In ka badan 100,000 oo qof ayaa lagu dilay, malaayiin kalena waa ay barakaceen ka hor inta aan la gaarin heshiis nabadeed oo uu dhexdhexaadiyay Maraykanku sannadkii 1995-kii.
Bosnia waxay weli u kala qaybsan tahay dhinaca qowmiyadaha, halka Seerbiyaanka Bosnia iyo dalka deriska la ah ee Serbia ay labaduba diiddan yihiin inay aqoonsadaan in xasuuqii Srebrenica uu ahaa xasuuq-qowmiyadeed, inkastoo ay sidaas xukumeen labo maxkamadood oo Qaramada Midoobay hoos taga. Hoggaamiyeyaashii siyaasadda iyo militariga ee Seerbiyaanka Bosnia, Radovan Karadzic iyo Ratko Mladic, iyo sidoo kale kuwa kale oo badan, ayaa lagu helay dembigaas waxaana lagu xukumay xasuuq-qowmiyadeed.
Madaxweynaha dalka Serbia, Aleksandar Vucic, ayaa tacsi u diray bartiisa X, isagoo xasuuqa Srebrenica ku tilmaamay “dembi aad u xun.”
“Meelna Yurub—ama meel kale oo adduunka ah—laguma oggolaan karo dafiraadda xasuuqa-qowmiyadeedka, dib-u-qorista taariikhda, ama ammaanta kuwa ka mas’uulka ahaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Golaha Yurub, Costa, khudbaddiisii. “In la dafiro argagaxyada noocan ah waxay sunaynaysaa oo keliya mustaqbalkeenna.”










