Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in markii labaad uu maanta baaqday shirka dhameystirka Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, sababa la xiriira dhaq-dhaqaayada iska soo horjeedo ee weli ka socda gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.
Shirka oo ah mid xasaas ah ayaa waxaa weli socoto qaban-qaabadiisa, waxaana sidoo kale taagan dood ku aadan sidii Sanaag loogu soo biirin lahaa maamulka SSC-Khaatumo.
Kulamo gooni gooni ah oo ka dhacay Laascaanood ayaa looga hadlay shirka, iyada oo guddiga farsamada shirweynaha uu maanta kulan la leeyahay Garaad Jaamac Garaad Cali oo xalay cadeeyay mowqifkiisa shirweynaha iyo ka qaybgalka beesha Warsangali, isaga oo ka saluugay qaabka wax loo wado, gaar ahaan hannaanka loo wajahayo shirweynaha.
Guddiga iyo hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo ayaa ku howlan sidii loo xalin lahaa tabashooyinka qaar ee laga muujinayo hannaanka loo wajahayo dhameystirka maamulka, si xal waara looga gaaro dhismaha Dowlad-goboleedka rasmiga ah ee SSC-Khaatumo.
Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa dhankiisa xalay kulan muhiim la qaatay Golaha Dhaqanka Ssc-Khaatumo, kaas diirradda lagu saaray geeddi socodka shirka iyo habsami u socodka dhammaan hawlaha hortebinta u leh ka dhabaynta hadafka taarikhiga ah ee shacab-weynaha Ssc-Khaatumo.
Dhinca kale, xildhibaannada Baarlamaanka Khaatumo oo kulan deg-deg ah yeeshay ayaa go’aamiyay in la qabto shirka, lana dhameystirka maamulka, kadibna la aado doorashada.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto doodda ay keeneen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay horkacayaan musharrixiinta, kuwaas oo kasoo horjeestay hannaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wajaheyo arrimaha SSC-Khaatumo
Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran iyada oo Dalwadda Federaalka u magacowday guddi farsamo oo howshaas guda-gala kaas oo gaaray Laascaanood oo lagu wado inuu ka furmo shirka aayo ka tashiga.

