Saxaafada dalka Spain ayaa soo jeedinaya in madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani, uu wadahal kula jiro kooxda Real Madrid kaasoo ku aadan sidii uu kaga soo qaadan lahaa Ricardo Carvalho, Raul Albiol iyo Kaka.
Rossoneri ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkaan horyaalka Serie A, tababare Massimiliano Allegri ayaana ka fikiraaya inuu Janaayo kooxda xoojiyo.
Sida laga soo xigtay wargeyska kasoo baxa dalka Spain ee AS, Galliani ayaa u duulay Madrid si uu ula wada-xaajoodo Real Madrid.
Carvalho ayuu horay tababare Jose Mourinho ugu sheegay inaan looga baahneyn Bernabeu, waxaana loo raadinaayey in lagu baxsho heshiis amaah ah.
Albiol ayaa ah qorshe kale oo ay daafaca dambe isaga dhiseyso Milan, sidoo kale wararka xanta ah ayaa sheegaya in Galliani uuba qorshihiisu yahay Kaka.
Kubad qaabeeyaha reer Brazil ayaan qarsan sida uu u jecel yahay inuu dib ugu laabto San Siro, laakiin Real Madrid ayaa diiday inay si amaah ah ku siiso iyo mushaarkiisa faraha badan oo mashaqo ku noqday Rossoneri.
W/Q: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada — Somalia.