Adeer reer hebel idaacad ayey furteen ee Idaacad anagana noo fur! (Faallo)

Inkastoo uu Dalka Somalia safka hore kaga jiro Dalalka lagu xasuuqo Weriyayaasha, hadana waxaa sii kor dhaayo Tirada dhalinyarada kusoo biireyso Saxaafadda iyo Idaacadaha xarumaha ka dhiganaayo Magaalladda Muqdisho.

Waa hubaal in MagaalladdaMuqdisho Idaacadaha ku yaalla ay kor u dhafayaan 25 Idaacad hana aan laheyn Ahdaaf ku saleysan shaqooyinka iyo wararka ay baahiyaan, inta badan waxaa Idaacadaha furta Shirkado iyo shaqsiyaad la shaqeeya Hay’ado gaar, waxa ayna shaqa abuur u sameeyan Dhalinyaro caaboon hayeeshee aan sal iyo baar ku laheyn barashada Cilmiga Saxaafadda iyo weliba dhowrista qawaaniinta hageysa Mihnada Saxaafadda.

Xilliga aad booqaneyso Idaacadaha Tirada badan ee tayada yar ku yaalla Muqdisho waxa ay I shaadu qabaneysaa dhalinyaro aan ahmiyad gaar ah siineynin howsha Idaacadda waxaana ku muuqaneysa in Idaacadaha ay yihiin kuwa aasaaskooda salka ku haya reer reer, waxaana lagu fulinayaa danaha gaarka ah oo ay leeyihiin beelaha ku tartamaayo furashada Idaacadaha.

Milkiilayaasha Idaacadaha iyaguna malaha aqoon buuxda balse waxa ay la jaan-qaadayaan wadciga Dalka, oo ah ‘’La jiifshaa banaan la joojiyaa banaan’’ waxaana nasiib daro ah inaysan jirin wasaarad iyo Hay’ado haga Idaacadahaasi tayada yar ee kusii badanaayo Muqdisho.

Dhanka kale, waxad arkeysaa Weriyayaal ku shaqeynaayo lacag la’aan Ujeedkooduna yahay inay mar un magac ku dhex yeeshaan bulshada, balse kuma aysan xisaabtamin halista goobaha ay wararka ka raadinayaan taasina waxa ay tahay biya dhaca Maqaalka oo ah tiro badnaanta Idaacadaha Muqdisho iyo taya xumida Milkiilayaasha iyo Weriyayaasha.

Idaacadaha qaar ma awoodan inay helaan Matooro iyo qalab iyaga u gaar ah, waxa ayna isticmaalayaan Motoorada caadiga oo ay isticmaalaan shacabka, waxaana dhaceyso in xilliyada qaar ay Korontada baxdo iyaguna ay hawada ka baxaan, taasina waxa ay qeyb ka tahay Taya xumida Idaacadaha wallow aysan wada sineyn.

Ujeedka ay qabiilada ugu tartamayaan furida Idaacadaha ayaa ah inay ku fushtaan danahooda gaarka, tan xil raadinta dowlada, soo saarida Siyaasi reer hebel, buun-buuninta ganacsigooda, buun-buuninta Siyaasadahooda gaarka ah iyo Dhaleecey, Cambaareyn reero lid ku ah dantooda IWM.

Lama soo koobi karo qaladka Idaacadaha Muqdisho, balse waxa ay muhiimadu tahay in ganacsiga iyo ku dhaqanka qabiilka aysan wada socon-karin, Milkiilayaasha Idaacaduhuna ay garwaaqsadaan qaladaadkooda shaqooyinkana u eegan aqoon ama cilmi.

W/Q. Anwar Bakhiit

Email;- wararka@live.se

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online