Jawaabta qormadii: Nin aad taqaan yaa tahay lama yiraah: Doorashadii CABDI Weli Gaas (Aqoon yahan waa kuma?)

Aqoon yahan waa kuma? Muxuu galaa, muxuuse Gudaa? Dadka Aan Aqoonta Lahaynse Muxuu Kaga Duwan Yahay? Jawaabtii Mqaqaalkii Abdulqadir Mohamed Osman”Nin aad Taqaanid yaa Tahay lama yiraahdo” by Myran Osman

Halkan ka Aqriso qormada jawaabta ay ku socoto

Hordhac:

Magaca Allaah baan warkayga ku bilaabayaa, Allaah baa Mahad oo dhan iska leh, Nabigeenii suubanana nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato, intaa ka dib, waxaan akhriyay maqaalka cinwaankiisu kor ku qoran yahay kuna soo baxay inta aan ogahay website ka Caasimada online.

Maxay Tahay Sababta Igu Bixisay Inaan ka Jawabo Maqaalkaan?

Ujeedadaydu ugu horrayn waa nasteexo aan u jeedinayo qoraha kuna baraarujinayo qaladka iiga muuqda maqaalkiisa taasoo aan u soo jeedinayo  inuu ka waantoobo, waayo diintu waa nasiixo “الدين نصيحة”, marka xiga waxaan u damqaday dadka soomaaliyeed ee mudada rubuc qarniga ah iska dabawareegayay ee markay rajo yar u iftaba ay soo baxayaan kuwa yiraada “waa been saad moodeen maahan ee joojiya laab la kaca” ugu danbayntiina waxaan ixtiraam aan u hayaa profession ka uuu qoruhu xambaarsan yahay isagoo bare jaamacadeed ah dhalinta cusubna role model u noqon kara hdadduu ixtiraamo aqoonta uu xanbaarsan yahay. Ma jirto run ahaantii wax shaqsi ah oon ku colaadinayo qoraha ama aan ku difaacayo shakhsiga uu maqaalkiisa ku weeray.

Qoraha iyo Maqaalkiisa:

Maqaalka qoruhu sida laga dheehan karo cinwaakiisa guud  wuxuu xambaarsan yahay dhaliil iyo xaqiraad uu qoraagu aad ugu fogaaday, wuxuuna  cinwaan uga dhigay Maahmaah loo isticmaalo inta badan qofkii aan wax wanaag ah looga  baran lagana sugayn. “Nin aad taqaan yaa tahay lama yiraahdo”. Qoraagu wuxuu maqaalkiisa kaga hadlay masuul sare oo ka mid ah masuuliyiinta soomaaliyeed; waa Ra iisala wasaarihii hore ee soomaaliya, ahna Madaxwaynaha cusub ee puntland  Mudane AbdiWali Mahamed Ali Gas oo maalmo ka hor ku guulaystay jagada Madaxwaynanimo ee Pl. Maqaalku wuxuu  fal celis (racation) u yahay farxaddi iyo hambalyadii dadka soomaaliyeed guud ahaan dibad iyo gudaba, gaar ahaana dadka reer puntland ay ku soo dhaweeyeen isbadalkaas ka dhacay gobolka ayna la qaybsadeen masuuliyiinta wadanka ugu sarraysa sida Madaxwaynaha iyo Ra iisal wasaaraha.

Hadaba inta aanan maqaalka sii guda galin aan ka jabaabo su’aalaha aan horay isku waydiiyay maadaama qoraagu aqoon sheegtay iskuna tilmaamay inuu bare jaamacadeed yahay.

Marka hore, aqoon yahan waa kuma? Muxuu gudaa ama galaa, muxuuse dadka aan aqoonta lahayn kaga duwan yahay?

Aqoonyahan wxuu magacas ku qaatay aqoon uu bartay, aqoontuna aragtidayda waa laba nooc:

1- Xirfad ama skill qofku nolol maalmeedkiisa ku raadsado isagoo isticmaalayaha xoogiisa ama farsamadiisa, aqoontaas waxay noqon karta  xirfadaha kuwa  ugu sarreeya sida dhakhter (medical doctor) Macallin jaamacadeed (university lecturer),amaba school, computer designer imw, waxay kaloo noqon kartaa xirfadaha kuwa ugu hooseeya sida qashin gure  Musqul qode xamaali iwm. Xirfadahaasi kuligood waa kuwa muhiim u ah nolosha bani aadamka, laakiin ma sameeyaan mana qaabeeyaan qofka mabada’iisa iyo akhalaaqdiisa toona, qofkuse wuxuu ka kasban karaa maba’iisa ama believe kiisa iyo akhlaqdiisaba meelo kale, sidaas daraadeed  waxaa laga yaabaa inaad aragto doctor sac caabudaya Ilaahna ka dhiganaya isla markaana khanziir ku qadaynaya khamaraha isaga dajinaya. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad aragto qashin xaaqe abuurihiisa yaqaan aakhirana rumaysan akhlaaq wanaagsana leh isla markaana xishooda.

2- Aqoonta nooca 2aad waa aqoonta ku barata qiimaha shakhsiyadaada taasoo ka bilaabata aqoonta aad u leedahay abuurahaaga, qiimahaaga shakhsiga ah iyo  sababta  aad dhulkaan u timid iyo waliba meesha aad u socoto iyo wixii masuuliyad ah oo ka dhalanaya aqoontaas.  Aqoontasi waxay qaabaysaa booska qofkaasi ku leeyahay mujtamaca uu ka mid ka yahay, waxayna siisa masuuliyad uu og yahay in lagala xisaabtamayo xadiithkii Nabiga scw ayaa ahaa

 “كلكم مسئول وكلكم مسئول عن رعيته”

 qof kasta oo idin ka mid ah masuuliyad baa saaran waana la waydiinayaa masuuliyadiisa.

                 Sidaas darteed 2da aqoonood  mida qiimaha dheeraadka ah qofka u yeesha waa mida danbe waayo mida hore heerkasta oo uu ka gaaro qofku haddusan ku darsan mida dabme  ma dhaafsana calooshiisa iyo wixii la xiriira. Allaah baa Quraankiisa ku yiri:

“قُل هَلْ يَسْتَوِي الَّذيْنَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِيْنَ لَا يَعْلَمُونَ إِنَّمَا يَتَذكَّرُ أولُوا الألْبَابَ” الزمر:9

Ma siman yihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta lahayn? waxaa waana qaata kuwa caqliga u saaxiibka ah

             Hadaba qoraha  baraha jaamacadeed ah ee maqaalkaan aflagaadada xambaarasan bulshada soo dhex dhigay ma ixtiraamay aqoontiisa iyo sumacadiisa toona?  Ma tixgaliyay xuduuda diintiisu u dhigtay ee lama dhaafaanka ah?  Ma tix galiyay qiimaha uu bulshadiisa ugu fadhiyo iyo doorka ay uga fadhiyaan?  Jawaabtu waa maya! waxaan hubaa in qoruhu ku faraxsan yahay boosishankiisa kuna faanayo, laakiin su’aahu waa ma siiyay  qiimaha uu ku fadhiyo. Waxaa laga yaabaa in baruhu uu diinta wax ka bartay muhimaduna taas ma ahan, ee  muhimadu waa ma ku dhaqmay wixii uu  ka bartay, illayn dhaqan la’aan waxba kaama deeqdee

Qoruhu Muxuu ku haystaa Madaxwayne Abdiwali

            Qorahu wxuu aflagaado bareer ah oo waliba shakhsi ah, kuna dhisan mala awaal iyo waa  la lahaa u gaystay musuulka uu aflagaadeeyay. Wuxuu ku xeel dheeraaday eedayntiisa isagoo waliba isticmaalaya waxa afka qalaad lagu yiraahdo character  assassination, wuxuu ugu yeeray “Abdi Kiniini” wxuu marar kale ugu yeeray “Siyaasiga aan sariigan” wuxuu ku timaamay tuuganimo, wxuu ku eedeeyay cadaalad darro iyo sad bursi wuxuu sameeyay “Xan” wuxuuna  Illaaway Aayadii quranka ahayd ee lahayd:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَبْ بَعْضُكُمْ بَعْضًا أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَنْ يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَحِيمٌ (12)

           Kuwii Ilaaah rumeeyayow ka fogaado in badan oo malaha ka mid ah, xaqiiqdii malaha qaarkiis waa danbi, ha is jaajuusina, qaarkiin qaarka kale yuusan xaman, qofkiin ma jecel yahay inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah, Ilaah ka baqa…”

sidoo kale wuxuu ilooobay haddaan aqoon la’aani u gayn,  xadiithkii Nabiga scw

أتدرون ما الغيبة؟ قالوا : اللهُ ورسوله أعلم ، قال : ذكرك أخاك بما يكره ، قيل : أفرأيت إن كان فى أخى ما أقول ؟ قال : إن كان فيه ما تقول فقد اغتبته ، وإن لم يكن فيه ما تقول فقد بهته رواه مسلم

            Ma taqaanaan xantu waxa ay tahay? Nabiga scw ayaa saxaabada waydiiyay. waxay yiraahdeen: Ilaah iyo Rasuulkiisa ayaa naga yaqaan. Wxuu yiri: Xantu waa inaad walaalkaa ku sheegto wax uu dhibsanayo. Waxay yiraahdeen, ka warran hadduu walaalkay yahay waxa aan ku sheegayo? Nabigu scw wuxu yiri: Hadduu yahay waxa aad ku sheegayso waad xamatay, hadduusan ahayna waad ku been abuuratay. Waxaa la is waydiiin karaa, oo hadduu qof mas’uul ahi danbi noocaan ah ka galo qaranka, ma yaan la sheegin baa diintu leedahay? Waxaa jirta qaacido oranaysa “Qofka  danbiga lagu tuhmay waa danbi laaawe ilaa la xaqiijiyo danbigiidsa” afka  shisheeyuhuna wuxuu yiraahdaa

Any defendant is innocent until he is proved guilty before a legal court, in which he is granted the right to defend himself. Waxaa qaacidada islamiguna ka tiraahdo:

 Marka qoruhu danbiyadaan ma maxkamad baa u xaqiijisay?المتهم بريء حتى تثبت إدانته في محاكمة….

           Hadaba qoruhu wuxu u dhexeeyaa 2aas danbi oo midba midka kale ka wayn yahay- Allaha uga meel bixiyee-  waa xan, ama been abuurasho, waxay u badan tahay  inuusan Mudane Abdiwali qoraaga aqoon waxna ka sheegin, laakiin qoruhu waa yaqaan maadaama uu figure muuqda yahay waxaana ugu dhib badan in qof aan la socon in aad hadal haysid aad ku aakhiro iyo adduunba seegto!

          Sidoo kale qoruhu wxuu ku eedeeyay inuu madaxwaynahu ka danbeeyay waxa loogu yeero growe one iyo growe two in  lagu soo farsameeyo growe, isla markaasna loogu daneeyay  pl, sidaasna gorowe  mapka adduunka  ku gashay! Anigu dastuurkaas mana akhrin dastuurna waxaan u aqaanaa midkii sharciga islaamka waafaqa, waxaanse is waydiiyay miyaysan growe dhul soomaaliyeed ahayn? miyaan danaha soomaliyeed looga hadli karin? Miyaan madaxda soomaaliyeed tagi karin iyagoon eedaysnayn? Maxaa ku jaban hadday gorwe mapka aduunka gasho ayadoo waliba danaha soomaaliyeed ka shaqaynaysa?  Sow ma wada xasuusano in dowladii ku meelgaarka ahayd ay mar daganayd jowhar mar kale daganayd Baydhabo duruufo Caasimada ka diray dartood?

?Aqoonyahaku muxuu kaga duwan yahay dadka aan aqoonta lahayn

         Hadda ka hor baan waxaan akhriyay maqaal ay soo qortay gabar soomaliyeed kuna soo baxay soomalitalk.com waqti mudo laga jooga hada, waxay qoraagu ku cabirtay maqaalkeeda sida ay u argto dhibaatada soomalida iyo meesha mushkiladeeda ka timid, waxay bulshadii u qaybisay lix qaybood waxayna ahaayeen sidan

1- Qabqable Dagaal 2- Duqay(odayaal) Qabiil, 3- Aqoon yahan Qabiil, 4- Qorayaal Qabiil, 5- Hantiilay Qabiil, 6 Dadwayne Qabaar moog ah(Khabaar moog). Waxay ku cabirtay fikirkeeda hab suugaan ah iyadoo tirinaysa waxyaabaha qolo walba ku sifowday iyo dhibaatada ay gaysatay una sabab  noqtay wixii dhacay walina socda, waxay hadalkeeda mar walba  ku soo goysaa

Intaas oo wada qaan ah oo buugga noogu qoran

Laguu qaban doono adigoo aan qiil helayn

?Qisaas laguu soo taagin miyaadan qalbiga ku hayn

?……. qabiilkow qiyaame maxaad la tagin

Aqoon yahankii bay ka  hadashay oo waxay tiri

Aqoontu waa qiimo waynoo laynoo qadary

Waa qurux kaa muuqatoo aan la qarin karayn

Waa qiimo kuu qarsoonoo lagaa qaadan karin

Waa ilayskii qaabayn lahaa qorshaha barito

Waxaase ka qaday midkaan qasadkeeda garan

Aqoonyahanka qalinka u sida qabqablaha dagaal

U  qorsheeya siduu qasadkiis u heli lahaa

Qaska iyo fitnada qayb libaax ka galay

Sidaasna looga qaday tacliintuu qayb u helay

La qaybsada danbiga midkuu ka qaban lahaa

Intaas oo wada qaan oo buugga noogu qoran

Laguu qaban doono adigoon aan qiil helayn

?Qisaas laguu soo taagin miyaadan qalbiga ku ahayn

?Aqoonyanka qabiilkow qiyaame maxaad la tagin

waxaan rajaynayaa in aqoonyahanka soomaliyeed ixtiraaman aqoontooda, Rabbina ka baqaan, ummadana ka daayaan dhibka iyo kala gurka ay ku hayaan

Gabagabo: waxaan ku soo xirayaa maqaalka 2ba arimood

1- Socdaal aan hadda ka hor ku tagay Malaysia iyo wixii aan ku soo arkay

         Waxaan hadda ka hor safar ku tagay wadank qoruhu joogo macalinkana ka yahay magaagalada Kuala Lumpur, waxaan tagay jaamacadaha qaar ka mid ah, waxaan ku soo arkay arday badan oo ka kala timid soomaliya qaybaheeda kala duwan. Ardadaasi waxaa haystay challenge aad u wayn oo ka haysta visas ka helidooda iyo cusboonaysiinteeda, feeska wax barashada, ardadaasi aad bay u dadaalayeen waxaase la ii sheegay anigu ma arkine inay jiraan kuwa waxbarashii drop gareeyay wadina waayay, oo maalinkiina hurda habeenkiina internet koffeeyada iyo maqaadaha fadhiista. Waxaan kaloo arkay familis badan oo xaaladooda Ilaahay un ogyhay sharci ku haysan wadanka,dhaqaalo saas ah haysan, caruurtoodu wax barasho micno leh haysan, dantu ku kaliftay inay UN ta iska qoraan, waxaa kaloo jira dad aad u badan oo caafimaad ahaan wadanka loo keeno, dadkaasi intooda badan waxay qabaan cudarada halista ah.waxayna u qaybsamaan kuwa ku dhinta meesha iyo kuwa iyadoo rajadoodii sidii hore ka roon tahay noqda

          Duruufta noocaas ah buu baruhu la diris yahay oo dadkiisu ku nool yihiin, oo uu shaqo iyo nolol stable ah ku haystaa, waxaa waajibkiisu ahaa inuu ka fakaro sidii dadkiisu dhibkaan uga bixi lahaayeen oo dhulkoodii waxbarsho, caafimad iyo nabad galyo ugu heli lahaayeen, markii ay rajo meel un ka soo muuqatana uu rajeeyo inay markaan rumowdo, ee ma ahayn inuu dadka soomaaliyeed ku digto ama ku jeesteeyo.ama kala fogayntooda iyo qaybintooda ka shaqeeyo

          Midda kale, wiilasha iyo gabdhaha uu macalinka u yahay markii macalinkoodii saan u dhaqmo una fakarayo yay ku dayanayaan oo role model u noqonaya

2 Arinta kale waxay tahay, qoruhu wuxuu tilmaamay in Pl ay saldandii  ku soo noqotay oo Majeerteen Madaxwaynanimada isku badalayeen tan iyo markii la dhisay maamulkaas, arintu ma ahan sida qoraagu u dhigay ama u fahmay, maxaa yeelay dadkaasi inta isu yimaadeen bay wax ku heshiiyeen, iyagaana duruufahooda kaaga xog ogaalsan maahmaah caan baxday oo carabi ah baa ahayd  “Reer Maka ayagaa cid walba ka yaqan Maka qaybaheeda ama dariiqyadeeda”

        Mida kale, jagooyinku madaxwayne kaliya mahan, saasoo ay tahay habkaas qabiilka ku dhisan inay ka baxaan bay aad u hadal hayaan, waxayse guud ahaan dadka halkaas dagani garteen -Ilaah mahadiis-in haddii  sidii ugu fiicnayd hadda aan la haysan, inay dantooda guud u tanaasulaan nidaamkoodan ilaashadaan inta sidii la rabay laga gaarayo wayna ku amaanan yihiin

      Si kastaba ha ahaatee, waxaa cadaaladu ku jirtay in qoruhu inta uusan milicsan pl iyo dhaliilaheeda inuu bal fiirsho dowladeena villa soomaaliya ka dhisan taariikhdeedana  akhriyo laga soo bilaabo labadii Ra iisal wasaare ee isku badalay dowladii Abdullaahi Yusuf iyo 2dii madaxwayne ee ka danbeeyayna is waydiiyo, hadduuse taas isha ka laabtay muxuu pl ka doonay? Bal adba!

Hoos ka Daawo sidii shacabka ay u soo Dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr .CabdiweliMaxamed Cali Gaas
-Gaalkacyo -Baran.-QardhoBoosaasoBuuhoodle Dhahar

Halkan ka Akhriso Maqaalkii uu qoray Abdulqadir Mohamed Osman “Nin aad Taqaanid yaa Tahay lama yiraahdo”

Ilaahay soomaalia dhibka ay ku jirto ha ka saaro, dadkii ay dhibka uga bixi lahydna ha ka soo dhex saaro

Mayran Osman, mayran_70@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online