C/risaaq Xaji Catoosh oo qoray Faallo: Maxay kala yihiin wasiirrada cusub?

Sida ka muuqata liiska wasiiradan waxaa ku jira xubno muddo ku soo jiray saaxada, iyo rag kale oo ku cusub masraxa siyaasada Soomaaliya.

Xubnaha la soo qaadan karo waxaa ka mid ah wasiiradii horey uga midka ahaa dowladdii ra’iisalwasaarihii la riday ee Cabdi Faarax Saacid Shridoon; sida faarax Cabdiqaadir iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed oo mar kale ka mid noqday dowladan cusub.

Xubno kale oo horey wasiiro uga soo noqday dowladihii ku meelgaarka ahaa ayaa iyagana xilal cusub helay.

Waxaa ka mid ah Xuseen Cabdi Xalane oo maaliyada loo dhiibay, Mustafa Dhuxuloow oo warfaafinta Qabanaya, Cabdilaahi Goodax Bare oo arimaha gudaha iyo federaalismka wasiirka ka noqonaya iyo Khadiija Maxamed Diiriye oo noqotay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Xubnaha daadka qaaday

Xubnaha uu daadku qaaday waxaa ka mid ah; Fowsiyo Yusuf Xaaji Adan, Maryam Qaasim iyo Cabdixakiim Fiqi.

Maxamuud Axmed Nur Tarsan oo Duqa Muqdisho ayaa golahan cusub wasiir ku xigeen ka ah.

Isugeyn golaha wasiirada waa 54 xubnood waxayna u baahan yihiin inay ansixiyaan baarlamaanka ka dibna ay ka howlaglaan dal nabadiisa aysan cago badan ku taagnayn, dhaqaale ahaana liita.

Waxyaabaha la isweydiinayana waxaa ka mid ah tiradan badan iyo xitaa halka ku shirayaan.

Ahmed Sheikh Mohammed (ahmed tiir) waxuu falanqeeyaa arimaha soomaliya.

Baarlamaanka ayaa kalsoonida kala noqday Saacid kaddib markii ay madaxweynaha is khilaafeen

“Tiradan badan ee wasiirada xitaa looma heli karo goob ay ku shiraan, sidoo kale dhaqaale ahaan wadanka ma qaadi karo 54 wasiir”

Wajiyada liiska ku cusub waxaa ka mid ah Cabdiraxman Ducaale Beyle oo Somaliland ka soo jeeda loona dhiibay jagadii ay horey u haysay Fowsiyo Yusuf Xaaji.

Maxamed Sheekh Xasana oo horay sirdoonka Soomaliya madax uga soo noqdayna waxaa loo magacaabay gaashaandhiga waxuuna ka soo jeedaa gobolka Baay.

Amniga qaranka iyo arimaha gudaha waxaa loo kala gooyay labo wasaaradood, Cabdikariim Xuseen oo madaxweynaha rafiiq weyn la ah ayaana loo dhiibay xilka amniga dalka.

Saddexda ilmo Sheekh

Cabdikariim Faarax Guuleed waa markii labaad oo isagoo dalka ka maqan la magacaabo taasoo muujinaysa inuusan marnaba ka maqnaan doonin liiska wasiirrada dalka.

Dumarka ayaa tiro ahaan ku qatan dowladan waxayna heleen labo xubnood, marka loo eego xukuumadii hore waxba uma soo kordhin haweenka.

Golahan cusub ee dowladda ayaa lagu tilmaami karaa magacaabiddooda inay jiitantay, waxaana laga dareemi karaa inuu khilaaf jiray marka la eego mudada dheer ee la sugayay iyo welibo xilligii saqda dhexe ka dambaysay ee lagu dhawaaqay.

Balse aaqirkii xalayto ayay muuqatay in sadaxda mas’uul ee dalka ugu saraysa ee ilmo Sheekh (Xasan Sheekh, Cabdiweli Sheekh iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari) ku wada qanceen 54-ta xubnood ee xukuumadan.

W/Q: Cabdirisaaq Xaaji Catoosh