Afar shuruud oo lagu xiray Soomaalida dooneysa in laga soo qaado dalka Sudan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xaafiiska safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan ayaa lagu soo bandhigay shuruudo laga doonayo dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaas, isla markaana doonaya in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Safaaradda ayaa qoraalkan ku sheegtay in codsi la xariira in dalkooda dib loogu celiyo uu ka soo gaaray midowga ardayda Soomaaliyeed ee ku  nool dalka Sudan iyo muwaadiniinta kale.

Safaaradda ayaa qoraalkan ku soo ban dhigatay illaa afar qodob oo shuruud looga dhigay qofkii doonaya in dalka dib loogu soo celiyo, iyadoo lagu wargeliyay dadka in waqtiga ay heystaan uu aad u kooban yahay.

Shuruudaha laga doonayo dadkaas oo lagu soo koobay afar qodob ayaa kala ah:

  • Waa in uu yahay qof ku xaniban dalka Sudan.
  • Copy baasaboor aan dhacsaneyn bogga hore eek u qoran macluumaadka shakhsiga iyo Visa-hiisa oo aan dhacsaneyn ka hor COVID-19.
  • Qofku waa in uu iska bixin karaa tikidhka.
  • Haduu arday yahay waa in uu dhameystay Jaamacadda, isla markaana uu keenaa cadeyn muujineysa.

Ugu dambeyntii qoraalka safaaradda Soomaaliya ee Khartum waxaa lagu yiri, “Qof Walba markuu buuxiyo shuruudaha kor ku xusan, waxaa laga doonayaa in uu iska soo baaro maalmo ka hor safarkiisa cudurka Coronavirus, si loo hubiyo badqabkiisa.”