Afarta qodob ee xasaasiga ee horyaalla shirka maanta ka furmay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirweynaha looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goob-joog ah shanta hoggaamiye goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda ayaa si gaar ah shirkooda uga hadli doona afar qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Diyaar garowga doorashooyinka golaha shacabka
2. Diyaarinta habraacyada doorashooyinka
3. Raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka
4. Dhameystirka doorashada Aqalka Sare

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi arrimo ku aadan doorashooyinka Aqalka Sare ee billowday iyo casharka laga baran karo, maadaama ay dhaliilo xoogan ka yimaadeen.

Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Si kastaba doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.