“Afgambiga ka dhanka ah Bin Salman wuxuu ka iman doonaa meel uusan fileyn”

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiir Khaled bin Farhan Al Saud oo ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga balse dibad joog ah, ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan la ridi doono, isaga oo sheegay in afgambigaasi uu ka imaan doono meel uusan ka fileyn.

Amiir Khaled ayaa yiri ” Haddii qoyska ay doonayaan in wiilkooda Maxamed Bin Salmaan la wareego boqortooyada, mowjado qalalaaso ah ayaa dhici kara, qaabka maamul ee boqortooyada waa nooc jaahilnimo iyo Dhalanteed ama been abuur”

“Waxaan Rajeynayaa inuu dhici doono afgambi fudud, afgambigaasi oo ka dhan ah xukunka Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka hay’addaha amaanka, kadibna waxaa meesha laga saari doonaa dhaxal sugaha iyo boqorka” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo ka yimaada dhanka qoyska Boqortooyada uusan ahaan doonin mid ay boqor Salmaan iyo Maxamed Bin Salmaan iska difaaci karaan dhankooda.

Sida uu sheegay Amiir Khaled, Amiir Axmed Bin Cabdul Casiis, oo ah ninka la rabo inuu xukunka la wareegio, waxaa saaran cadaadis xoogan, waxaana dhaqdhaqaaqiisa iyo xiriiradiisa yihiin kuwo lala socdo.

“Waxay u muuqataa in howsha aysan ka imaan doonin isaga, laakiin dhinacyada kale ee ku xeyndaaban ayaa fulin doona afgambiga, kadibna afgambiga ka dhanka ah Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa dhacaya”

“Waa Suuragal in Maxamed Bin Salmaan uu xero adeerkii Axmed Bin Cabdi Casiis ama uu shirqoolo haddiiba uu awoodo, laakiin waxay u muuqataa mid ku adag marka loo eego waxa qoyska dhexdooda ka dhex dhacaya” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisadda ka dhex oogan xubnaha qoyska boqortooyada ay sii kordheyso islamarkaana kuwa badan ay doonayaan in meesha laga saaro boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com