Afgmabigii Turkey oo arrin cusub ka dhex dhaliyey Erdogan & Putin

Ankara (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta Ruushka waxaa qadka Telefoonka kulan qaatay ku dhawaad hal saac kuwada yeeshay Madaxweynayaasha Ruushka iyo Turkiga.

Kulanka Telefoonka ku dhex maray Recep Dayyip Erdogan iyo Vladimir Putin, ayaa la xiriiray isku dayga Afganbintii ka dhacday dalka Turkiga, waxa uuna Mr Putin dhambaal tacsi ah u diray dhigiisa.

Inta wada hadalka uu u socday labada mas’uul ayaa la sheegay inay isla soo hadal qaaden qorshihii lagu doonaayay in lagu afganbiyo Turkiga, waxa ayna labada Madaxweyne isla fahmeen in qorshahaasi ay kaalin ku leeyihiin dhowr dal oo ay hormuud ka tahay dowlada Mareykanka.

Putin iyo Erdogaan ayaa inta uu wada hadalkooda socday si wada jir ah isaga raali galiyay khilaafkii ka dhashay diyaarada ay soo riday Turkiga, waxa ayna labada mas’uul isla garteen in kulan fool-ka-fool ah wada qaatan.

Labada mas’uul ayaa kulankaasi wada qaadan doona asbuucyada ugu horeeya bisha August.

Heshiiskan ayaa yimid kadib markii madaxweyne Putin telefoon kula soo hadlay Madaxweyne Erdogan oo xiligaani ku jira xaalad cakiran.

Kulankan labada mas’uul ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay oo ay wada qaatan tan iyo markii uu Turkigu soo riday diyaarad dagaal oo laga lahaa dalka Ruushka taas oo sababtay in labada dal calaqaatka kala goostaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Erdogan ayaa xiriirkaani cusub ku doonaaya inay uga faa’iideystaan ka hortaga luqaafada reer galbeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com