Doorashada 2016 oo arrin cusub ay kusoo korartay lana filayo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shaki ba’an uu wali ka taagan yahay qabsoomida doorashaa dalka, ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Shariif, waxa uu isna shaki galiyay in doorashada dalka ay dhacdo wakhtigeeda, waxa uuna sheegay inaanu jirin dhaqdhaqaaq muujinkara in doorashada ay xiligeeda dhici karto.

Xildhibaan Shariif, waxa uu sheegay in dib u dhacyada ku imaankara in doorashada ay wakhtigeeda dhacdo ay iminkuba tahay mid muuqata waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu jirin xaqiiqo ay ku qanci karaan oo muujinkarta in doorashada ay xiligeeda qabsoomi doonto.

“Aniga iima muuqata in doorashada dalka ay dhaceyso xiligeeda, waayo maba arko saan saan cadeyn u ah in doorashada ay dhaceyso wakhtigii lagu ballamay”.

“Wakhtiga ugu badan waxaa qaatay guddiga doorashada oo markii la eego la doortay kadibna iyaga is doortay, sida kale marka aan u dhigno maka soo naas-cada howlihii muujin lahaa rajada doorashada”.

“Waxaa xiligaani la rabay in guddiga uu howlgalo, Ergadii wax dooran laheydna lasoo gudbiyo, haddii aan wali la diyaarin goobihii lagu qaban lahaa doorashada mudada harsana ay tahay muddo aad u kooban dabcan wey iska cadahay sida uu xaalku yahay”

“Laguma baraarugsana in wakhtiga madaxweynaha uu ku egyahay 10 bisha September, Baarlamaankiina uu wakhtigiisa dhow yahay ee waxaa noo cad inaanu jirin mas’uuliyad”.

Xildhibaan Shariif, waxa uu ku baaqay in wakhti hore loo guda galo dhammaan waxyaabihii suuragalin lahaa doorashada, waxa uuna ku taliyay inaan laga dib dhicin doorashada xiligeeda.

Dhanka kale, Xildhibaan Shariif ayaa cadeeyay in caga jiidka taagan uu niyad jab ku riday dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com