Xog: Rajo xumada xildhibaanada ee doorashada 2016 oo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali rajo xumo ka muujinaya in waqtigii la qorsheeyay ay dhacdaa doorashada sanadkaan ee lagu soo dhisayo hogaanka dalka Soomaaliya

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo xumo ka muujiyay in waqtigii la balamay ay dhacdaa doorashada, marka uu qiimeeyay siday haatan wax u socdaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in 20 agoosto uu yahay qorshaha doorashada balse ilaa iyo haatan aysan jirin wax talaabo oo muujinaya in doorasho ay dhici karto.

“Waxay ahayd xilligan xilligan ergooyinku iney qoran yihiin, dadka wax dooranaya lasoo gudbiyo, waxay ahayd in goobaha naftigoodu ay calaamad san yihiin, waxay ahayd dhaqaalihii inuu soo gaaray iyo in kale in la ogaado, waxay ahayd guddiga doorashada loogu tala galay heer gobol iyo heer qaranba qof kastaa in wixii loogu tala galay uu haysto oo aanuu meel kale marti uga noqon”

“waxay ahayd inuu guddigu sheego maalintii ay doorashadu dhacaysay in la sheego, howlo badan oo haddoo kale iney qabsoomaan la rabay ma u jeedno, haddii waxaan lasoo bandhigin uu jiro waa halkeeda”.ayuu yiri xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaankaayaa sheegay in ilaa iyo haatan lahadal hayo waqtiga la qabanayo soo xulista xubnaha baarlamaanka oo kaliya laakiin aan wali la adkeyn doorashada madaxweynaha dalka.

“Maaha waxa uu wakhtigu ka dhacayaa baarlamaanka oo kaliya, madaxweynaha ayaa wakhtigiisu ku egyahay 10 bisha September, meel lama saarin, in ama baarlamaanku uu fadhiisto ama sidii xildhibaanada loo sameeyay oo kale la sameeyo ama in wakhtigii howsha loogu tala galay in la dhameeyo weeye”.

Xildhibaanka ayaa hadalkaan jeediyay kadib wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqidsho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com