27.8 C
Mogadishu
Thursday, June 4, 2026

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Muqdisho oo sii xoogeystay iyo DF oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaalka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka oo weli kasii socda magaalada Muqdisho, kaas oo soo bilowday gelinkii dambe ee shalay.

Dagaalkan oo socday xalay oo dhan ayaa dhinacyadu ay isku laa laabteen dhowr jeer oo kala duwan, wuxuuna xooggiisa ka socdaa degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag oo ay soo dageen Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre.

Madaafiic iyo hub culus ayaa laga maqlayaa meelaha uu dagaalku ka socdo, taas oo keentay in dadka degan caasimada aysan seexan xalay, sababo la xariira daryanka xabadaha ay is waydaarsanayaan labada dhinac.

Booliska Soomaaliya oo goordhow war soo saaray ayaa ku dhawaaqay inuu gabagabo yahay howlgal ay sheegeen inay wadaan ciidamada ciidamada amniga, kaas oo ka dhan ah ciidanka u dagaalamaya mucaaradka dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dagaalka ay soo qaadeen xubno siyaasiyiin ah ‘oo qaswadayaal ah’ isla markaana qorshahooda uu yahay in lasoo afjaro, si loo soo celiyo xasiloonidii caasimada.

“Wargelin iyo Digniin Amni : Waxaa gabo-gabo ku dhow howlgal baaxad leh oo ay wadaan Hay’adaha Amniga Caasimadda, kaas oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, kuwaas oo hoobiyeyaal ku garaacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda. Maleeshiyaadkan oo ku sugan goobaha ay deggen yihiin xubno qaswadayaal ah oo isku sheegaya siyaasiyiin, kana soo horjeeda amniga iyo xasilloonida, isla markaana ka dambeeyay abaabulka falalkan, ayaa hoobiyeyaal ku weeraray xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Booliska.

Waxaa kale oo lasii raaciyay qoraalka “Shacabka waxaa lagu wargelinayaa in aysan jirin bannaanbaxyo nabadeed oo, balse ay jirto dhacdo hubeysan oo ay Hay’adaha Amnigu ku howlan yihiin afjariddeeda”.

Dhankooda mucaaradka ayaa soo saaray farriimo culus hanjabaad ah, iyaga oo ku eedeeyay in dowladdu ay soo weerartay, ayna is difaacayaan.

Xaaladdan soo korortay ayaa durbo saameynteeda laga dareemaya magaalada Muqdisho, maadaama uu faraha ka baxay ammaanka, isla markaana dagaalka uu sameeyay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga caasimada.

- Advertisement -

Read more

Local News