Warbixin: Ethiopia oo lagu qabtay shir qorshe cusub lagu dejiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa lagu qabtay Shir looga hadlayay qaabka sida xogta argagixisada la xiriirta loogu badali karo cadeymo qofka lagu maxkamadeyn karo.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD gaar ahaan xafiiska u qaabilsan dhanka amaanka, Waxaana ka qeyb galay dowladaha urur goboleedka IGAD ku midoobay.

Saraakiil ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa kulankaasi Soomaaliya kaga qeyb galay, waxaana ka qeyb galay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Axmed Jiinow Xasan oo shirkaasi si weyn u amaanay.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in IGAD ay si wanaagsan u amaantay dalka Soomaaliya oo lagu amaanay sida uu sheegay qaabka ay ula macaamilaan dadka falalka dambiga ah lagu qabtaa.

“Saddax maalin ayuu soconayay shirkan waxaana la tagnay sida aan ula dhaqano kiisaska arga-gixisada runtii wax badan ayaan ka soo faa’idnay sidaas oo ay tahayne wax badana ayey inagane naga faa’ideen waana mid kamid ah wax yaabaha aan la xiriirino xirfadaheenna, sidoo kale waxaan isla garanay in la iska caawiyo kiisaska nuucaas ah wadamada aan ku midownay Urur Gobaleedka IGAD” ayuu yiri Gaashaanle Axmed Jiinow Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com