Erdogan oo ku ilmeeyay askartii lagu dilay afgambiga + Sawirro

Ankara (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Aas qaran loogu sameeyay shuhadadii ku geeriyootay dagaalkii ka dhashay Afganbintii dhicisoobay.

Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxa uuna madaxweynuhu ku dul ilmeeyay Shuhadadii lagu dukanaayay Janaasada.

Janaasada iyo Aaska ayaa waxaa Madaxweyne Erdogan ku wehlinaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynihii hore ee Turkiga Cabdalla Gul iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Turkiga Axmed Davutoglu.

Shuhadadii lagu dukanaayay Janaasada ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweyne Erdogan rafiiqiisa dhaw kaasi oo kamid ahaa Ganacsatada ugu caansan dalkaasi islamarkaana taageero u ahaa Xisbiga Erdogan waxa uuna Madaxweynuhu ku dul ilmeeyay xili uu hadal ka jeedinayay Janaasada.

Erdogan waxa uu sidoo kale goobta Janaasada ka ballanqaaday inay soo qab qabanayaan kuwii soo maleegay afgambigan oo qalqal-geliyay dalkaasi, isla-markaana ay horkeeni doonaan cadaaladda, si sharciga loogu qaado.

Erdogan1

APTOPIX Turkey Military Coup
Erdogan3

Erdogan4

Erdogan5

Erdogan6

Erdogan7

Erdogan8

Erdogan9

Erdogan10

Erdogan11

Erdogan12

Erdogan13

Erdogan14

Erdogan15

Erdogan16