Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo wareegto soo saartay ayaa maanta magacowday guddiga farsamo ee dhammeystirka maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, sida lagu caddeeyay qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiir Cali Xoosh.
Guddiga u magacaabay wasiirka ayaa ka kooban illaa siddeed xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Dr Axmednuur Maxamed Cabdi, halka guddoomiye ku xigeen uu yahay Mudane Cabdinaasir Xaaji Maxamed.
Sidoo kale waxaa guddigan xubno ka ah Axmed Shire Axmed (Garoon), Carafaat Cali Maxamed, Axmed Yuusuf Maxamud, Rufaci Maxamed Salaad, Maxamuud Saciid Nuur iyo Faadumo Cabdi Cali.
“Guddigu wuxuu shaqayn doonaa laga bilaabo taariikhda magacaabista – illaa inta laga dhammeystirayo dhismaha maamulka Dawlad-goboleedka SSC-Khaamtumo” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.
Guddigan ayaa sidoo kale mas’uul ka noqon doono talo-bixinta iyo fududeynta ku saabsan dardargelinta iyo dhammeystirka maamulka Dawlad-goboleedka SSC-Khaamtumo.
Sidoo kale wuxuu ka shaqeyn doonaa isku xirka farsamo ee hay’adaha heer federaal iyo heer dawlad-goboleeda ee dhammeystirka maamulka Dawlad-goboleedka SSC-Khaamtumo..
Waxaa kale oo uu waajibaadkiisu noqon doonaa soo diyaarinta warbixinno joogta ah oo la garsiiyo wasaaradda iyo hay’adaha qaybta ah dhismaha maamulka Dawlad-goboleedka SSC-Khaamtumo.
SSC ayaa waxaa hadda u furmay dhabo cusub, iyada oo shirkii Golaha Wadatashiga ee markii u horeysay qeybta ka aheyd lagu go’aamiyay in la dhammeystiro hanaanka dowladnimo ee SSC-Khaatumo, iyada oo loo xil-saaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, taas oo haatan bilowday howshii dhameystirka.