24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

La-taliyaha Ayatollah Cali Khamenei oo shaaciyey sida ay Mossad u dhex-gashay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Ali Larijani, oo ah la-taliyaha Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ahna saaxiib isaga ku dhow, ayaa kashifay in hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ay fulisay hawlgallo nafsaani ah ayna xiriiro la samaysay mas’uuliyiin sarsare oo Iiraan ku sugan xilligii uu socday dagaalkii dhowaan ay la galeen Israel.

Isniintii, Larijani wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee ISNA in bilawgii dagaalka uu helay farriin taleefan ah oo looga digayo inuu Tehran kaga baxo 12 saacadood gudahood, haddii kalena uu la kulmi doono masiir la mid ah kii dhowr taliye oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC) oo la dilay.

Wuxuu sheegay in taliyeyaal kale oo ka tirsan IRGC ay heleen hanjabaado noocaas oo kale ah.

Larijani wuxuu intaa ku daray in maalintii afraad ee dagaalka, la isku dayay in la beegsado shir ay lahaayeen Golaha Amniga Qaranka ee Iran. Weerarkaasi wuu fashilmay, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in dib-u-qiimeyn lagu sameeyo xiriirka caalamiga ah ee Iran, isagoo yiri: “Waa in Iran ay dib u eegis ku samaysaa xiriirka ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah iyo waddamada Yurub. Intii dagaalku socday, waxay ahaayeen kuwo aamusan ama taageerayay Mareykanka.”

Dagaalka kaddib, baarlamaanka Iran wuxuu meelmariyay sharci lagu joojinayo wadashaqeynta lala yeesho hay’adda caalamiga ah ee la socodka hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay.

Xiisadda basaasnimada oo muujinaysa kala qeybsanaan bulsho oo qotodheer

Ali Mojtahedzadeh, oo ah qareen u dooday maxaabiis siyaasadeed oo dhowr ah sannadihii la soo dhaafay, ayaa maqaal ra’yi ah oo uu ku qoray wargayska Etemad ku sheegay in tirada badan ee basaasiinta lagu eedeeyay ee ay xukuumaddu xirtay ay ka tarjumayso dareen carro oo sii kordhaya oo ka dhex jira dadka reer Iran.

Mojtahedzadeh wuxuu ka digay in joojinta colaadda Israel aysan ka dhignayn in Israel ay ka tanaasushay qorshayaasheeda ka dhanka ah Iran. Wuxuu sheegay in mas’uuliyiintu ay tahay inay u diyaar garoobaan falal la mid ah kuwaas mustaqbalka.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay saamaynta Israel iyo sida ay ku hesho macluumaadka milatari iyo kuwa amniga ee Iran. Isagoo tixraacaya xogta dowladda, wuxuu qoray: “Nasiib darro, waxaan ognahay in heerka qaran-dumisnimada iyo basaasnimada ee ay geysteen qaar ka mid ah xubnaha gudaha ay aad u weyn tahay oo aan loo arki karin kiis gooni ah.”

Qareenkan caanka ah ee reer Iran wuxuu intaa ku daray: “Sababta guud ee khiyaamooyinka ugu badan taariikhda oo dhan waxay ahayd luminta dareenka lahaanshaha ee muwaadiniinta, dareenkaas oo ka dhasha takoorka iyo faquuqa dadka loogu geysto dhinacyada bulshada, dhaqanka, dhaqaalaha, siyaasadda, iyo amniga.”

Dareenka ka dhanka ah dadk Afghanistan oo sii kordhaya iyadoo la sheegayo xiriir ay la leeyihiin Mossad

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Iran, mas’uuliyiinta Iran waxay xoojiyeen olole ka dhan ah muhaajiriinta iyo qaxootiga Afghanistan, iyagoo ku eedeeyay inay gacan siinayaan sirdoonka Israel ee Mossad, waxayna dardargeliyeen masaafurinta Afghanistan aan sharciga haysan.

Sida uu qoray wargayska Shargh, in ka badan 72,000 oo Afghanistan ah oo aan sharci haysan ayaa ka tagay Iran maalmihii la soo dhaafay, iyadoo kumanaan kalena ay ku badan yihiin xadka Dogharoun, halkaas oo ay ku sugayaan inay ku noqdaan dalkooda.

Jimcihii, Sarreeye Guuto Ahmad Ali Goudarzi, oo ah taliyaha Taliska Ilaalada Xuduudaha Iran, wuxuu ku dhawaaqay in saddex jibaar la kordhiyay xarigga iyo masaafurinta qaxootiga Afghanistan.Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay: “Guri kasta ama hanti kasta oo laga kireeyo dadka Afghanistan waa waxba kama jiraan. Hantidaas waa la xiri doonaa waana lala wareegi doonaa.”

Intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ahaa, warbaahinta dowladda iyo warbaahinta ku dhow Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC) waxay soo tebiyeen xarigga muwaadiniin Afghanistan ah, iyagoo sheegay inay la shaqeynayeen Mossad si ay u beegsadaan goobo milatari iyo kuwo rayid ah.

Hal warbixin ayaa lagu sheegay in 400 oo muhaajiriin Afghanistan ah lagu xiray tunnel dhulka hoostiisa ah iyagoo la shaqeynayay Mossad. In kasta oo warbixintaas markii dambe la beeniyay, waxay haddana kicisay mowjad dareen ah oo ka dhan ah muhaajiriinta dalka.

Isagoo taas ka jawaabaya, Seyed Rasoul Misagh, oo ah muhaajir Afghani ah, ayaa maqaal uu qoray ku shaki geliyay run ahaanshaha eedeymahan.

Wuxuu qoray: “Muwaadiniinta Afghanistan ee Iran jooga maalin kasta waxaa xira oo masaafuriya booliska. Maxay tahay sababta Mossad ay u aaminto dad horayba loo ugaarsanayay?”

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Afqaanistaanka ku sugan Iran ay la kulmaan xayiraado badan, oo ay ka mid yihiin in laga mamnuuco iibsashada baabuurta, helitaanka shatiga darawalnimada, ama xitaa inay u safraan gobollada dhexdooda iyaga oo aan haysan ogolaansho gaar ah. Wuxuu isweydiiyay sida qof xaaladdan oo kale ku jira loogu aamini karo hawlgallo xasaasi ah.

Xisbiyada isbeddel-doonka ah oo ku baaqay in la cafiyo maxaabiista siyaasadeed

Dhowr kooxood oo siyaasadeed oo isbeddel-doon ah, oo ku mideysan magaca Jabhadda Isbeddel-doonka (Reform Front), ayaa warqad u qoray mas’uuliyiinta, iyagoo ku boorriyay inay gacan ka geystaan ilaalinta midnimada qaranka iyagoo sii deynaya maxaabiista siyaasadeed, kaddib weerarradii gardarrada ahaa ee Israel.

Warqadda, oo loo diray madaxa garsoorka, oo uu magacaabo hoggaamiyaha sare, ayaa timid xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo cakiran, taasoo lagu garto xarig ballaaran oo loo geystay dadka u dooda xuquuqda iyo dilkii dhowaan lagu fuliyay lix qof oo lagu eedeeyay basaasnimo.

Qayb ka mid ah warqadda, oo ay daabaceen warbaahinta Iran, ayaa u qornayd sidan: “Sii deynta maxaabiista siyaasadeed iyo kuwa ra’yiga waxay noqon doontaa tallaabo muhiim ah oo lagu soo celinayo kalsoonida qaranka. Waxay kaloo gacan ka geysan doontaa bogsinta dhaawacyada bulshada iyo xoojinta aasaaska jamhuuriyadda.”

Qayb kale oo warqadda ka mid ah ayaa ka hadlaysa ujeeddooyinka maxaabiista siyaasadeed: “Shakhsiyaadkani waxay ku dhaqaaqeen ujeeddo ah inay dalka wax ka beddelaan una adeegaan. Waxay raaceen habab sharci ah oo madani ah. Ku hayntooda xabsiga ma horseedi doonto natiijo wanaagsan. Xaaladdani waxay kaliya sii qoto dheeraynaysaa kala qeybsanaanta.”

Qorayaasha warqadda waxay aaminsan yihiin in cafis loo fidiyo maxaabiistan ay kor u qaadi doonto “wadajirka qaranka” ayna taageeri doonto “xorriyaadka madaniga ah” ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News