Puntland & Somaliland oo dagaal qarka u saaran iyo xiisad taagan

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka sanaag ayaa sheegaya in saaka ay xiisad ka taagan tahay farumaha hore ee dagaalka oo ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ay ku sugan yihiin.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in mararka qaar la maqalaya dhawaqa rasaas googoos ah oo ay ridayaan ciidamada labada maamul kala taabacsan ee ku sugan deegaan ku yaala gobolka Sanaag, waxaana laga baqayaa in xiisada ay dagaal isku badasho.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Xiingalool iyo degmada Badhan ayaa warbaahinta u sheegay in saaka ay maqleen dhawaqa rasaas qoryaha waaweyn laga rido, iyadoo aysan jirin ilaa iyo hadda faahfaahin dheeri ah oo laga helayo xaalada labada deegaan ee Sanaag ka tirsan.

Xiisada ugu badan ayaa waxay ka taagan tahay deegaamada Badhan ee gobolka Sanaag, kadib markii shalay ciidamo taabacsan Puntland ay tageen deegaankaasi.

Saraakiisha labada maamul ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan xiisada ka taagan gobolka Sanaag, waxaana laga baqayaa in halkaasi dagaal uu ku dhexmaro labada dhinac.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com