Sawirro: Muqdisho oo lagu arkay Tuugo noocy cusub wax u dhaca

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka Somalia, qeybteeda Gobolka Banaadir, ayaa si rasmi ah maanta usoo bandhigtay Sawirada dhalinyaro dhac noocya cusub leh ka geysan jiray magaalada Muqdisho.

Tuugadaani oo laba ka kooban ayaa waxa ay dhaca geysan jireen iyaga oo sheeganaaya magaca ciidamada Sirdoonka Somalia, hayeeshee waxaa markii danbe la xaqiijiyay inaysan wax lug ah ku laheyn ragaasi ciidamada.

Tuugadaani ayaa dib usoo celshay dhicii magaalada Muqdisho ka jiri jiray wixii ka danbeeyay sanadii 2003, xiligaasi oo ay tuugadu ahaayen kuwa dhaca guryaha islamarkaana booba Mobilada, Shandadaha, Dharka, Dukumiintiyada, Raadiyaasha xaafadaha lagu dhageysto, Darmuusyo IWM.

Labada nin ee la soo bandhigay, ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay xaafadda 1-da Luulyo ee Degmada Yaaqshiid. Waxaana jiray mid saddexaad oo baxsaday, intii uu hawlgalku ka soconaayay xaafadaasi.

Goobta lagu soo bandhigay labada nin, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay agabyo fara-badan oo la sheegay inay ka dhaceen dadka rayidka ah.
1

2

3

4

5

6