Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow uu istaagay dagaalkii ka socday dhanka Degmada Howlwadaag ee u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan iyo barakac.
Ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay dib uga gurteen difaacyadii ay uga jireen aagga guriga Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, kadib dadaallo ay sameeyeen nabaddoonno iyo waxgarad ku baxay dagaalka.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas kusii daraya in haatan ay socdaan wada-hadallo waan waan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.
Dhanka kale, waxaa jira cadaadis ka yimid dhanka Wakiilada beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaas oo si deg-deg ah usoo farogeliyay arrintan, waxayna digniino kasoo saaray dagaalka qarxay ee caasimada.
Safaaradda UK ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in wax aan la aqbali karin uu yahay dagaalka qarxay, waxayna farriin culus u dirtay madaxda dowladda Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
“Dowladda UK waxay aad uga walaacsan tahay dagaalka magaaladda Muqdisho. Dagaalka waa mid aan la aqbali karin, waxaanan dhammaan dhinacyada ugu baaqaynaa inay is xakameeyaan, isla markaana ay galaan wadahadal loo dhan yahay oo dhisid leh, si xiisadaha loogu xalliyo si nabadgelyo ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda Ingiriiska.
Dhankiisa Mareykanka ayaa digniin kasoo saaray dagaalkan oo soo bilowday gelinkii dambe ee shalay, soona gaaray illaa maanta, wuxuuna sheegay in sii socoshadiisa uu saameyn karo amniga, midnimada iyo wadajirka bulshada.
“Tallaabooyinka la qaado saacadaha iyo maalmaha soo socda waxay saameyn waarta ku yeelan karaan amniga, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, halka ay ku dambeyn doonto xiisadda oo haatan isku rogtay gacan ka hadal uu dhiig ku daatay.

