Fanaan caan ka ahaa Soomaaliya oo gordhow geeriyooday

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in goordhow uu halkaasi ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa ee Soomaali badan codkiisa ay jecleyd ee  Shay Mire Dacar.

Geerida fanaanka ayaa waxaa goordhow Saxaafada u xaqiijiyay walaalkiis Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah.

Wuxuu sheegay in mudaba uu xanuun u jiifay Shay Mire Dacar gurigiisa oo magaalada Hargeysa ku yaalla.

Xanuunka Fanaanka ayaa ahaa mid aan sidaa looga sii warqabin, balse waxaa dadka Hargeysa dhagfaar ku noqotay geerida allaha u naxariistee Shay Mire Dacar.

Si kastaba ha ahaatee, Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetameeyadii, kadibna waxa uu ugudbay magaalada Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com