Xog: Mugdi soo kala dhex galay Xasan Sheekh iyo C/R Odawaa

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo madax-banaan ayaa sheegaya in Khilaaf siyaasadeed uu ka dhex bilowday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Odawaa.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay muranka u dhexeeya Xassan Sheekh iyo Beesha Habar gidir kaasi oo saameyn ku yeeshay xiriirka labada mas’uul.

Odawaa oo xal u raadinaayay dabinta khilaafka Xassan iyo Beesha ayaa waxaa la sheegay inuu isku dayay in Xassan uu arrintaasi kala hadlo, hayeeshee uu Madaxweynuhu diiday inuu ka hadlo arrinta Beesha Habar gidir.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xassan Sheekh uu Wasiir Odawaa qudhiisa ku wargaliyay inuu shaqeysto islamarkaana ka fogaado arrimaha la xiriira qabiilka.

Xassan Sheekh, ayaa sidoo kale Odawaa uga digay inuu isku soo koobo beeshiisa waxa uuna si ganbasho la’aan ah ugu wargaliyay inuu faraha kala baxo howsha la xiriirta Beesha Habar gidir.

Wasiir Odawaa ayaa intaa kadib la sheegay inuu fadhiga uga kacay Madaxweyne Xassan Sheekh sababo la xiriira is fahan’waaga soo kala dhexgalay.

Wasiir Odawaa ayaa doonaayay dib usoo celinta xiriirka Xassan Sheekh iyo Beesha Habar gidir, hayeeshee waxaa iminka muuqaneysa inuu burburay dadaalkii leysugu soo dhaweyn lahaa labada dhinac.

Maaha markii ugu horeysay oo arrimo siyaasadeed ay isku khilaafaan Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wasiir Odawaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com