Xog: R/W CCC oo Gen. Gabre kala hadlay arrin cusub oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Sharmaarke uu kulan la qaatay Sargaalka dowlada Ethiopia u qaabilsan siyaasada Somalia Gen. Gabre.

Kulanka Sharmaarke iyo Gabre ayaa la sheegay inuu salka ku hayay khilaafka ka dhextaagan odayaasha Hiiraan iyo Ergada ku shirsan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Sharmaarke ayaa Gabre ka xog wareystay talaabada la gudboon maadaama ay odayasha Hiiraan wali ku dhagan yihiin mowqifkooda la xiriira inaanu horfadhiisan doonin odayaasha maamulka Sh/Dhexe ee shirka ka wada magaalada Jowhar.

Gabre oo Ra’isul wasaare Cumar u waramaayay ayaa sheegay in xaalka uu yahay mid adag islamarkaana ay adag tahay in xal laga gaaro khilaafka iyo tabashada ay wadaan odayaasha Hiiraan.

Gabre waxa uu sidoo kale Sharmaarke u cadeeyay in mowqifka odayaasha Hiiraan uusan aheyn mid iyaga ku eg balse ay jiraan gacmo kale oo kasoo horjeeda in xal loo helo maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Gabre ayaa Sharmaarke ka dalbaday in la keeno xal ka duwan kan iminka socda, waxa uuna qiray in arrinka uu yahay mid ka fog sida la filaayo.

Waxa uu sheegay in labadii kulan oo ay la qaaten odayaasha uu ahaa mid aan wax natiijo ah laga gaarin, hayeeshee loo baahan yahay in la raadiyo maslaxo kale, ka hor inta aan la gaarin doorashada Somalia.

Sharmaarke ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Gabre iyo xubnaha kale ee howsha lawada waxa uuna tilmaamay in wakhtiga harsan aan lagu dhisi karin maamul bacdamaa ay doorashada waxyar ka harsan tahay.

Sidoo kale, Sharmaarke waxa uu Gabre u sheegay in kulan gaar ah ay wada qaadan doonaan Madaxweynaha dalka soo laabashadiisa kadib, islamarkaana ay go’aan cad ka qaadan doonaan mowqifka odayaasha.

Dhanka kale, odayaasha Hiiraan ayaa cadeeyay in mowqifkooda uu yahay in iyaga lagu soo feelo ama uusan socon doonin waxa ay wadaan DFS iyo IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com