Dalalka Khaliijka oo isku khilaafay musharaxa ay taageeri lahaayen

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Khilaaf cusub uu ka dhex curtay Golaha iskaashiga gacanka carbeed kadib markii ay isku khilaafen cidda ay taageeri lahaayen .

Khilaafka Golaha ayaa la sheegay inuu salka ku hayo taageero kala duwan oo ay Golaha u muujiyeen Musharaxiinta xilka Madaxweynenimo ee Somalia kuwaasi oo kala Madaxweynaha iminka uu xilka kasii dhamaanaayo Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Khilaafka Golaha ayaa soo degdegay kadib markii dhowr dowladood oo ay kamid yihiin Qadar, Kuwait, Sacuudiga iyo Imaaraadka ay taageero u muujiyeen Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dowladaha Gacanka carbeed ayaa waxa uu heshiiskoodu ahaa goor sii horeysay inaan leysku khilaafin taageerada ay u muujinayaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda wadamada islaamka, waxaana uu heshiiskoodu ahaa in hal dhinac ay wada taageeran.

Dowladaha qaar ee aan kor kusoo sheegnay ayaa taageero taa lamid ah u muujinaaya Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa ayna taasi shaki iyo kala fogaansho ka dhex abuurtay dowladahaasi.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Somalia, ayaa taageerada ugu badan ka heysta wadamada Carabta, inkastoo taasi ay ku kala fogaan karaan dhinacyada ku loolamaaya Siyaasada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijin karin waxa ay dowladahaasi ku heshiin doonaan inkastoo wakhtiga harsan uu yahay mid ciriiri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com