Axmed Madoobe oo u sheegay Mareykanka inuusan aqbaleyn…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa la sheegay in warqado dacwad ah uu u gudbiyay Safaarad Mareykanka uu ku leeyahay dalka Kenya.

Dacwada ayaa la sheegay inay la xiriirto faragalinta ay Saraakiisha Mareykanka ka joogta Kismaayo ku hayaan awooda ciidan ee maamulka.

Madoobe ayaa la sheegay in Safaarada uu ka dalbaday inay cadeyso asbaabaha dhaliyay inay garab siiso Ex Hogaamiye Kooxeed Col. Barre Hiiraale iyo inay la saftaan dhinacyada kasoo horjeeda nabada Jubbaland.

Madoobe waxa uu sidoo kale warqada ku dalbaday in la cadeeyo mowqifka Mareykanka ee xasiloonida Kismaayo iyo ujeedka uu yahay in Kismaayo ay saldhig u noqoto kuwa aan diir nixin ee kasoo horjeeda amniga.

Sidoo kale, waxa uu dalbaday in Jubbaland laga jaahil bixiyo sababta loogu soo wareejin la’ yahay ciidamada Barre Hiiraale iyo in Mareykanka Jubbaland uu kala safto dowlada Ethiopia, gaar ahaan cutubyada kaga sugan magaalada Kismaayo.

Dacwadaani ayaa imaaneysa xili dowlada Mareykanka ay hubeyneyso Col. Barre Hiiraale oo dagaal kala dhexeeya maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com