28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Dhageyso: Agaasimaha SHABEELLE iyo wariyaal xiran oo ka soomay cuntada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha idaacada shabelle, Cabdimalik Yusuf, oo lala xiray Weriye Maxamed Bashiir iyo Fadumo Cabdiqaadir, oo ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxa ay bilaabeen in ay ka soomaan cunada.

Madaxa Idaacada iyo labada weriye ayaa ku jira xabisga dhexe muddo toddobaad ku dhow iyagoon la soo taagin wax maxkamad ah.

Weriye Maxamed Bashiir ayaa loo heystaa in uu wareystay Weriye Fadumo Cabdiqadir oo sheegtay in la kufsaday, halka Cabdimalik Yusuf oo ah madaxa idaacadaasina loo haysto in uu lahaa qalabka lagu qaaday wareysigaasi.

Cabdimaalik ayaa sheegay in dowladda ay billowday caburin iyo xarig sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna caddeeyay in ay horseed u ahaayeen siddii dimuquraadiyad uga hirgali lahayd Soomaaliya lagana saari lahaa dalka nidaamkii kaliya-talinimada.

Wuxuu sheegay ilaa inta ka helayaan caddaalad iyo gacan seddaxaad ay sii wadi doonaan cunta ka soo mida.

Mar uu ka hadlaayay xaaladda xabsiga dhexe, wuxuu tilmaamay in xaaladda xabsiga ay tahay mid aad u liitada, walow ay ku jiraan mid ka mid ah qolalka ugu wanaagsan.

Wuxuu tilmaamay in dowladda ay sii deysay raggii lagu eedeeyay in ay kufsadeen wariyaal u shaqeeya Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho.

“Gabadha iyo Wariyaha markii maxkamadda la keenay waxaa la weydiiyay hal su’aal, anniga waxaa la igu eedeeyay in aan dambi ka galay wasiirka arrimaha gudaha ilaa inta caddaalad ka heleyno sidan ayaan ku jireynaa” ayuu yiri agaasimaha Idaacadda Shabeelle.

Halkan ka dhageyso Cabdi Maalik

c maalik

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News