AGAASIME cusub oo loo magacaabay HERITAGE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Afyare Cabdi Cilmi ayaa maanta loo magaacabay Agaasimaha Machadaka darasaadka siyaasada ee HERITAGE, kadib markii uu dhawaan iska casilay xilkaasi Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo isagu xilkaasi hayay muddo ku siman lix sano.

Qoraal kasoo baxaya Machadka Heritage ayaa waxaa lagu sheegay in Dr. Afyare uu 1-June ee sanadkan 2021-ka uu si rasmi ah ula wareegi doono xilkaas, ayada oo uu hadda si kumeel gaadh ah usii hayn doono Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage Mursal Sane.

“Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo magacaabista Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda inuu u magacaabay Agaasimaha fulinta cusub ee machadka, laga bilaabo 1 Juun, 2021” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa sidoo kale lagu yiri “Cilmi wuxuu ahaa Cilmi baarre sare oo ka tirsan Machadka Heritage tan iyo markii la aasaasay 2013, wuxuuna gacan weyn ka geystay daabacaadda machadka sanadihii la soo dhaafay”.

Dr Afyare oo ah Aqoonyahan Cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Doha University ayaa waxa uu bedeli doona Agaasimihii hore ee Machadka, Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo horanta bishii hore iska casilay xilkaas, oo uu hayay muddo ku siman lix sano.

Afyare ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa aqoon-yahanka waqtiga badan geliyay Machadka Heritage, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga hogaaminta ee machadkaas, kaasi oo lagu bogaadiyey kaalinta uu kasoo qaatay horu-socodka.

Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage oo iyagu doorkoodu yahay inay kormeer iyo hagitaan istiraatiiji ah ku biiriyaan hoggaaminta iyo maaraynta Machadka ayaa soo dhaweeyay kaalinta Dr Afyare oo ah aqoon-yahan sarre oo 12-kii sano ee u dambeeyay qeyb weyn ka qaatay cilmi baarista amniga.