Ciidan maanta la wareegay taallada Daljirka Dahsoon kahor dibad-baxa Sabtida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo badan gaysay taallada Daljirka Dahsoon iyo aagga ku dhow, halkaasi oo la filayo in berri uu ka dhaco dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kaasi oo ay dhigayaan mucaaradka iyo taageerayaashooda.

Waddooyinka soo gala taallada Daljirka iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaamn gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala taallada.

Ciidamadan ayaa sidoo kale celinaya mootooyinka Bajaajta loo yaqaanno oo aan loo ogolayn in ay maraan halkaasi oo markii hore ay si caadi ah u mari jireen.

Ma cadda sababta ay dowladda ciidamada halkaas u gaysay, waxaana suurta-gal ah inay sugayaan amniga dibad-baxa sida ay xukuumaddu ballan-qaaday markii ay heshiiska galeen ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya iyo musharaxiinta mucaaradka.

Dowladda ayaa dhicitaanka dibad-baxaas ku xirtay laba shardi oo kala ah; inay dadka imanayaan kala fogaadaan, iyo inay soo xirtaan af-xirka, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Wixii ka dambeeyey markii ay heshiiska gaareen Rooble iyo mucaaradka, waxaa jirtay rajo weyn oo isu soo dhowaansho, hase yeeshee kulankii ugu dambeeyey ee xalay ayaa lagu kala tegay ayada oo mucaaradka ay Rooble ku eedeeyeen inuu ahaa nin meel kale laga hagayey oo aan lahayn go’aan qaadasho, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma cadda, haddii kala tegistii xalay ay wax ka beddeshay mowqifka dowladda ee ogolaanshaha dibad-baxaas, hase yeeshee Rooble waxa uu sheegay in wada-hadallada mucaaradka ay sii socon doonaan.