Agaasime GABOOSE oo shaaciyey xog ku saabsan IKRAAN TAHLIIL FAARAX

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ah mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bixiyey faah faahin iyo xog ku aadan Ikraan Tahliil Faarax.

Dhibane Gaboose oo weerarkaasi ku waayey lug iyo gacan is xiga ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Idaacadda Kulmiye wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana sidoo kale wax looga weydiiyey aqoontii uu u lahaa Ikraan Tahliil oo la waayey, kadib dilkii Eng. Yariisow.

Agaasimaha ayaa sheegay in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd gabar yar oo deggan, afgaaban, misana adaab leh, sida uu ku sheegay qaybta labaad wareysiga uu bixiyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in inta badan aysan joogi jirin xafiiskeeda, balse ay agfdhiisan jirtay guddoomiyihii la dilay ee Marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo ay si dhow ula shaqeyneysay mudadii uu joogay xafiiska.

“Ikraan Tahliil waxaan ka xasuustaa gabar yaroo afgaaban oo idaab badan marka iyadu xafiiskeeda inta badan ma joogi jirin waxay joogi jirtay xafiiska guddoomiyaha oo guddoomiyaha ayey agfadhin jirtay inta badan,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Gaboose.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shaki weyn uu ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la rumeysan yahay in loo beegsaday xog ay ka heysay qaraxii gobolka Banaadir, walow arrinteeda ay dhalisay xiisad xoogan oo hareysay dowladda Soomaaliya.

Ikraan oo aheyd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (HSNQ) ayaa warkeeda la waayey June 26 2021, markaas oo xilli habeen ah lagu watay baabuur ka qaaday gurigeeda magaaladaMuqdisho, balse 2 September ee 2021 ayaa hay’adda NISA waxa ay sheegtay inay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab kadibna sidaas lagu khaarijiyey.