27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya oo ku dhawaaqay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Xuseen oo haatan ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa sheegay in xilka uu rabo ugu tartamayo urur siyaasadeedka JSP, kaasi oo sidoo kale uu ka tirsan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen.

“Musharax u taagan Koonfur Galbeed ayaa ahay oo raba inuu ku tartamo magaca xisbiga, waana inay isbeddel dhab ah u diyaar garoobaaan taageeraayasha xisbiya ee maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu taagerayaashiisa reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay isku diyaariyaan doorasho goordhow bilaaban doonta, xilli uu weli mad-madow badan ku gadaaman yahay doorashooyinka hoggaannada maamullada.

Xuseen ayaa mar la weydiiyay in Lafta-gareen oo sidoo kale tirsan xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay musharax mar kale u taagan xilka ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn inuu musharrax yahay intuu ka war qabo ilaa iyo haatana uusan banaanka imaanin.

Tan ayaa imaneysa xilli xisbiga JSP uu bilaabay ololaha doorashada qof iyo cod, ayna maamulladan Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka bilowdeen ololaha hanashada xilka u sareeya ee maamuladaasi.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli aan weli heshiis laga gaarin hanaanka doorashooyinka dalka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Dowladda ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse ay tahay xeelad waqti-lumis ah oo looga gol-leeyahay in lagu xaqiiqsado muddo-kororsi. Hase yeeshee, Villa Somalia way beenisay eedeymahaas.

- Advertisement -

Read more

Local News