Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo kusoo biiraya loolanka kursiga HOP086

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa kusoo biiraya musharaxiinta doonaya kursiga xildhibaan ee HOP086 oo dhowaan doorashadiisa la qabanayo, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Kursigan ayaa ah kii uu horey ugu guuleystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, balse ay diideen islamarkaana is-hortaageen guddiga doorashada heer federaal.

Kusoo biiritaanka Cabdinuur ee loolanka kursiga ayaa imaneysa kadib markii uu loolanka ka tanaasulay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo la rumeysnaa inuu kursiga doonayo.  

Doorashada kursigan ayaa la filayaa in la qabto dabayaaqada bishan Febraayo, waxaana musharaxnimada Cabdinuur ay abuureysaa loolan adag maadaama UPD ay soo sharraxeen Dr. Maxamed Xaaji Axmed oo ah madaxa urur diimeedka Damul Jadiid. 

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in diyaar garawga munaasabadda shaacinta musharaxnimo ee Cabdinuur Maxamed Axmed ay maanta iyo shalay ka socotay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inuu ilaa habeen dambe si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu kursigan u taagan yahay. 

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xilal kala duwan hore uga soo qabtay Madaxtooyada Jamhuuriyadda sida Agaasimaha Warfaafinta, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud iyo Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya, waxayna musharaxnimadiisu muujinaysaa in tartanka kursigan uu noqon doono mid adag.