Dagaal culus oo dhacay Mudug iyo degaan muhiim oo laga qabsaday Al-Shabaab

Wisil (Caasimada Online) – Waxaa faahfaahino laga helayaa dagaal culus oo galabta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka dowladda iyo daraawiishta Galmudug ay ku weerareen kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo hoos taga degmada Wisil, halkaas oo dhufeysyo waaweyn ay ka qoteen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ayaa halkaas ku duqeeyey Al-Shabaab, sidoo kale ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisimihii deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Inkastoo isgaarsiinta aaggaas ay aad u liidato, hadana wararka aan ka heleyno dagaalkii galabta waxay sheegayaan in lagu jebiyey kooxda Al-shabaab.

Deegaanadii lagu dagaalamay waxaa caawa ku sugan ciidanka dowladda, waxaana kooxda loo geystay duqeyn xoog leh, sidoo kale weerar toos ah oo dhufeysyada loogu galay Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Doonyaale ee koonfurta gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug weli kama aysan hadlin dagaalkaan, waxaana xusid mudan in dagaalkii galabta askar badan looga dilay ciidanka daraawiishta Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay gobalka Mudug waxay sheegatay inay ku dishay 10 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, 18 kalena ay ku dhaawaceen.

Qoraalka Kooxda Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in deegaanka uu dagaalku ka dhacay uu hoos tago degmada Wisil, isla markaana dagaalkaas la isku farasaaray lix jeer, ciidanka ay dileen waxay sheegen inay ku jireen laba sarkaal, sida ay sheegteen.

Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkii maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ah mid culus oo diyaarado dagaal ay ka qeyb qaateen, isla markaana dhul badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.