Dilal bareer ah oo Muqdisho ka dhacay iyo booliska oo soo bandhigay hal askari

Muqdisho ( Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Cabdicasiis ayaa galabta soo qabtay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la sheegay inuu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka u soo damaashaad tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

“Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay, kadibna askariga ayaa xabad ku dhuftay, ciidanka saldhigga degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaa xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka, si luugu fuliyo xukunkiisa, sidoo kale ciidanka booliska saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay Ehelkiisi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Nin ku xamaali jiray gaari Dameer oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka dowladda wuxuu ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Askariga dilka ka geystay degmada Hodan waxaa la sheegay inuu xiraa tuutaha militeriga, waxaana dilkaas sababay muran dhanka wadada ah oo dhex-maray askariga iyo marxuumka.

Aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay inuu deganyahay Afgooye, balse uu Muqdisho deg deg u yimid maanta markii loo sheegay in la dilay wiilkiisii Mustaf.

“Salaadii Jimcaha markaan ka soo baxay ayaa la ii soo sheegay in la dilay wiilkeygii, Afgooye ayaan joogay oo halkaas ayaan ka soo cararay, hadda wax aan sameeyo ma garanaayo wiilkeygii waxaa dishay gacan ka xaqdaran, wuxuu ahaa nin iska xamaasha oo laba carruur ah ay u joogto, marka dowladda ayaan cadaalad ka sugeynaa,” ayuu yiri Aabe Cabdiraxmaan.

Inta la ogyahay maanta kaliya laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa ugu yaraan laba qof oo shacab ah u geystay dilal bareer ah, hal askarioo wiil yar ku dilay aagga Liido ayaa la qabtay, halka askarigii kale uu goobta ka baxsaday.

Dilalkaan ay ciidanku geysanayaan waxay ku soo aadayaan iyadoo maalmo ka hor ay saraakiisha maxkamadda ciidamada iyo taliska booliska ay ku goodiyeen in askarigii dil geysta uusan baxsa doonin oo deg deg loo qisaasi doono, balse dilalkii ma joogsan.

Hoos ka eeg sawirka askariga loo soo qabtay dilkii ka dhacay Liido