Somaliland oo xabad joojin uga dhawaaqday Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin ooo xiriir ah.

Go’aankan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad bilaa shuruud ah ku dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan aad uga xun yihiin mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

“Dhibaatada hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yar tahay. Maanta halka ay taagan tahay haddii aan ku af-qabano guul ayaa joogna. Wixii loo dhaafa waa khasaare ka badan kii hore, kaas oo dhankasta taabanaya.”

Waxa intaas kusii daray “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Isimida ku sugan Laascaanood, oo ayagu hore u sheegay in wax wada-hadal ah la gali doonin Somaliland illaa ay ciidamadeedu ka baxaan dhulkooda.

Go’aankan ay caawa ku dhawaaqday Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii mucaaridka Somaliland uu ka dalbaday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Go’aanka Somaliland ayaa sidoo kale imanaya, xili uu si weyn isku soo tarayeen baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, kaasi oo ku qotomay in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, ayada oo afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, waxaana la rumeysan yahay in uu khasaaruhu intaas kasii badan yahay, maadama aan weli tirakoob rasmi ah la sameyn.