Weerar ku billowdy qaraxyo oo lagu qaaday XERO ku taalla degmada Afmadow

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla duleedka Afmadow ee gobolkaasi.

Qaraxyada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo sidoo kale ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkaasi.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay waxa ay shaacisay inay beegsatay gudaha saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ah kasoo baxay saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan degmada Afmadow oo ku aadan weerarkaasi ku billowday is-miidaaminta.

Xerada la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo tiro badan oo loo diyaarinayey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Afmadow ku sugan Wasiirka Amniga Jubbaland iyo taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga, kuwaas oo abaabul ka dhan ah Al-Shababa ka wada halkaasi.

Weerarka Al-Shabaab ayaa u muuqdo mid ay iga hortageyso dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo Jubbaland ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka, waxayna saaka beegsatay mid kamid ah xerooyinka muhiimka ee lagu diyaarinayo ciidanka ka howlgalaya halkaasi.

Maalmihii u dmabeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay  weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.