Eritrea oo dib ugu biireysa ururka IGAD 16 sano kadib

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugan magaalada Nairobi ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in dalkiisa uu markale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD.

Eritrea ayaa muddo ku siman 16 sanno ka maqnaa urur goboleedka IGAD, wuxuuna Afwerki uu hadda dadaal xoogan ugu jira hanashada xubinimadeedii ururka.

Madaxweynaha Eritrea iyo dhigiisa Kenya ayaa sidoo kale gaaray heshiis ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea, kadib kulamo ay maalmihii dambe ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan markale kusoo laabanayna IGAD inaga oo wadana fikrad ah in dib loo xoojiyo ururka isdhex-galka gobolka, si iskaashi kasta oo laba geesood ah oo macno leh oo dhexmara Eritrea iyo Kenya mid ka turjumaya isdhex-galka gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Afwerki.

“Ma gaari karno yoolal laba geesood ah inaga oo aan haysan gobol si ballaaran isku dhex-galay, kaasi oo aan tobaneeyo sano ku riyoonay in aan abuurno, tani ma ah hal-abuur cusub ma ahan dib u abuuris, tani waa waajib.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu dhigiisa Eritrea kala shaqeyn doono sidii ay Eritre markale ugu soo biiri laheyd urur goboleedka IGAD.

“Si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo isdhex-galka gobolka, waxaa ka wada-hadlnay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya labadeena dal, taasi darteed mudane madaxweyne (Afwerki) waxa si aad ah kaga mahad-celinaya sida ay kaga go’an tahay in aad dib u eegis ku sameyso ka qeyb-galka dalkaaga ee urur goboleedkeena IGAD.”

“Waxaa rajeynayaa in aan si dhow ula shaqeeyo adiga iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah IGAD, sidii aan dib ugu habeyn laheyn ugana dhigi laheyn urur si hufan uga jawaabaya ujeedkiisa.”

Eritrea ayaa waxaa waayadii ugu dambeeyay saarna cuna-qabateyno kala duwan, socdaalka uu Afwerki ku tegay Nairobi iyo xiriirka kala duwan ee uu la saxiixday madaxweynaha Kenya ayaa la fahamsan yahay in uu ka caawin karo xiligaan xal u helida mashaakilka dalkiisa ka haysta adduunka intiisa kale.