Wareysi: Tirada Soomaalida ku geeriyootay dhul-gariirka Turkey iyo tirada la la’yahay

Ankara (Caasimada Online) – Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga soo saaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay burburka dhismayaasha hoostooda, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay.

Waxaa adag xaaladda dalkaas, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay 18 kun oo qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 74 kun.

Khasaarahaan markii lagu daro dadka ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay dalka Suuriya tirada dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 21 kun oo qof.

Ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhul gariirka ku dhuftay dalka Turkiga, kuwaas oo afar kamid ah xalay meydadkooda la aasay.

Sidoo kale afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu weysan yahay nolol iyo geeri, dadka maqan ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul gariir hor leh.

Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 10 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga uu xalay ka dhacay Dhul-gariir kale, taas oo tirada khasaaraha sii badi karta.

Dr. Cabdicasiis ayaa wareysigaan ku sheegay in dhacdadaan ay aad u saameysay Soomaalida ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha ka dhigata dalka Turkiga.

“Xiligaan waxaan u dhaqaaqeynaa in aan soo aasno afar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed inaan soo aasno meydkooda, afartaan qof waa reer Jabuuti oo Soomaali ayaan isku nahay, sidoo kale meydadka laba qof oo kale oo ayaguna Soomaali ah ayaa naloo soo wadaa, lixdaas ayaan geeridooda xaqiijinay hadda,” ayuu yiri Dr. Cabdicasiis.

Hoos ka dhageyso wareysiga